Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Nin Maalqabeen Ah Oo Ingiriisa Ayaa Deeq U Bixiyey Xoolihiisi Oo Dhan

Sunday - May 17, 2009

London- Al-Sharq Al- Awsat: Yaa yiri waxa tegay wakhtigii deeqsinimada iyo wanaag samaynta, waliba si gaar dadka hodanka ah ee dadaal sameeyay sidii ay urursan lahaayeen xoolaha aya haystaan.... Nin ingiriis ah oo baayac mushtar hodan ah oo la yidhaahdo Brian Berni ayaa ku deeqay xoolihiisii oo dhan oo gaaraya 16 milyan oo istarliini jimciyadaha samafalka markay u cadaatay in baniiaadamku uu ka qiimo badan yahay lacagta kadib markii ay ka bogsatay xaaskiisii mudada dheer ay wada joogeen lana soo dadaashay xanuunka kansar naaseedka .

Ninkaa Berni oo sheekadiisa ay soo warisay jariidada (Daily Mail) ee london ka soo baxdaa oo aad uu dhiiri gelisa in lacagta la kordhisto oo aan la qayb qaybin, wuxuu noloshiisa ka soo bilaabay meel hoose waxaanu shaqada ka bilaabay tukaan haye isagoo da’diisu tahay 15 sano dagaalkii labaad ee aduunyada, laakinse dadaalkiisa iyo kartidiisa baayac mushtar wuxuu sameeyay lacag malaayiin ah, intaan ooridiisa (Sherly) aanu ku dhicin xanuunka kansar naaseedku... markay bogsatay wuxuu ka fakiray qiimaha nolosha iyo isaga iyo xaaskiisa oo dhalay 3 caruur ah oo dhamaantood qaan gaaray, kolkaasu go’aansaday in uu faraha ka qaado xoolihiiisii oo uu ku jiro qasarkiisa (Dexford Hall) oo ku yaal waqooyiga dalka ingiriiska iyo hoteel ku dhow oo isagana uu leeyahay sidii loogu caawin lahaa dadka buka iyo dadka baahan wixii ka soo baxa iibkooda .