Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Shiikh Xassan D. Aweys Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Shiikh Shariif

Monday - May 18, 2009

Waxaa dhawaan khadka Telephonke ku wada hadley Sheikha jecel inuu mar-uun Madxweyne noqdo, waa Hasan Dahir Aweys iyo Sheikha kale ee sida hawsha yar ugu fariistey kursiga dhiiga badani ku daatay ee Madaxweyna-nimada Somalia.... Wadahadalkan Telephoneka oo ah mid cagajugleyn u badan ayaa wuxuu u dhacey sidan soo socota.

Dhaaaaalaaaaaaaaaaaaaaala, dhalalalaaaaaaaaaam, dhaaaaaaaalmam.

Xogheynta Shiriifka : Hello, Hello, Salama Caleykum, waa kuma

Sh.Hasan Aweys: Adeer Galaadu salaanta xaq uma laha ee ma jooga Ninkii murtidka ahaa, ee ridoobey
Xogheynta: Adeer cid murtida ahi halkan ma joogto ee yaad rabtaa.

Sh.D.Aweys: Adeer ma la hadli karaa ninka aad Madaxweynaha ku shegeysaan ee Muslinka ka weecday.

Xogheynta: Mudane madaxweyne Shariif nin dagaalansan baa ku raba.

Sh.Shiriif: Salaama Caleykum Akhii waa kuma!!.

Sh.H.Aweys: Waar shiriif Salaanta islaamka ha yeerin, sowtaad muslinka ka baxdey.

Sh.Shiriif: Waan ku gartey inaad Saxiibkeygii Sh.Hasan Dahir tahey, walaal aniga Islaamnimo ma ka bixin, ee ma laga yabaa in adigu qarda jeexdey ama aad dayaysan tahey, hada maxaad ii soo wacdey, sow maad go`aamin in Muqdisho iyo Koonfurta Somalia dhiigii daadanayey ee aan is lahaa jooji, uu halkii ka sii socdo.

Sh.H.Aweys: Anigu Mujaahid Alla yaqaana oo xaq wada ayaan ahaa, hadana aan ahey. Adigaa na khiyaamey oo gaalada raacey, hadana waxaan kuu soo wacey in hadhow intii la dhihi lahaa nin baa la diley aad meesha iskaga cararto ciidankeena Mujaahidiinta ahi dhawaan waa soo galayaan Madaxtooyada. Dhiiguna wuu daadanaya inta ujeedadeena aan gaareyno insha Allah.

Sh.Shiriif: Ina Daahir Aweysow labadeenu weynu is ognahey, waxan dadka caamada aad ugu sheekeysana weynu isla garaneynaa... walaalow maad qunyar iska dhahdid, kursiga ii banee waan u dhimanaya si looga fogaado dhiiga barbaarta Somaliyeed oo qubta iyo maatida barakaceysa... Nin dad maata ah oo muslina hoobiya ku garaacaya oo hadana leh Muslin baan ahey, mujaahidiina waan wataa adiga hortaa lama arag.

Sh.Hassan Aweys: Shariifow adiga waa run waa is ognahey, lakiin wixii aynu isku ogeyn sow adiga maad ka bixin, oo kursigii aan idin dhahey waar walaalow hadee anigaa reer Muduge ahe ha la ii daayo, marka uu Cabdilaahi Yusuf tago, sow intaad dustey maad aayar ku fariisan, oo ii daba marteynin... Sidee ku heshiin karnaa oo dhiig loo joojin karaa anigoo aan Madaxweyen noqon.

Sh.Shariif: Haa waad nagu dhahdey lakiin sow ma ogid in adigu aad macangag aheyd oo markii aan ku dhahey, aynu miiska wadahadalka fariisano oo Abdilahi Yusuf iyo Xabishadana dalka ha laga saaro sidaana aan dhulkeena Somalida Koonfureed ee colaada, Barakaca iyo abaaruhu ay dileen aynu ugu talino... sow maanad diidin oo maad dhihin, Asmara iyo Erateria oo Xabashi labaad ah, oo teedii u qiil la' aynu iska dhex joogno... Markaa ayaan anigu tashadey oo aan ku dhaqaaqey in aan xalka meel kale ka doono.

Sh.H.Aweys: Hadee walaalow Shiriif, waa laga yabaa in markii aad wada hadalka gashey aad sax aheyd balse waxaad khaldantey markii aad ogolaatay in adiga Madaxweyne laguu doorto.

Sh.Shariif: Maxaan ku khaldamey Ina Dahir Aweysow, sow koley meesha nin-uun Madaxweyne kama nodeen.

Sh.H.Aweys: Hadee waxaad ku khaldantey waxey aheyd inaad tiraahdo Duqa Sheikh Hassan Aweys ee Asamara jooga ayaa kursigaa jecel ee ha loo daayo, oo dawlada inteeda kale ha la dhiso. Maanta dhiigaasi muu daateen. Alshaababkan iyo nimankan hada saaxiibka ku nahey in adiga lagu rido markaa meel ay mareen lama arkeen. Inkastoo hadaba aan ka cabsi qabo in dhexdayada ay ka qarxdo. Waxaan ka cabsi qabaa in Marka uu Afewerki ii soo waco, ay dhahaan ` Gaal baa ku soo wacey dabadeed waad gaalowdey`

Sh.Shariif: Waar Sheikh Hassan kursigan Xaga rabi ayaa laga qoraa, anigana weligey isma dhihin Madaxweyne noqo, dhiigna maan ku daadin... hadadaana dalka ayaan rabaa in aan badbaadiyo, marka adiga diintan iyo Jihaadku waa kaa afka baarkiisa ee Kurisgan ayuun baad rabtaa, adiga mooyee cidii kale ee ku fariisatana waa gaalo murtidiin ah. Alshaababna waad ogtey in hadii aad dawlada rido in markaa sheekadinu aynu noqoneyso labadii dhurwaa ee Libaaxa raqda ka eryay ee dabeed ay dhexdooda ka qaraxdey. Hada maxaad xalka u aragtaa, dagaalka se ma joojineysa, oo dawlada ma soo raceysa.