Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Sh.Shariif Oo Ka Baxay Hawlgalki Jawhar Iyo AL-Shabaab Oo Indhaha La Si Raaceysa Bartamaha Somaliya

Tuesday - May 19, 2009

Muqdisho- Warar Aan ka Xiganay Odayaal u dhuundaloola Qasriga madaxtooyada oo hayb ahaan ay is xigaan Madaxweyne Shariif ay carbka ku dhuftay in odayaasha guurtida mudulood ay talo ahaan ku soo jeediyeen in hawlgalada iyo abaabulka dagaal ay ka wado dawlada dhinac magaalada jawhar la hakiyo oo shicbka maatada ah aan lagu dhex dagaalamin.

Soo jeedintaas oo odayaasha mudulood ay aad ugu nuuxnuuxsadeen waxay sharaxaad dheer ka bixiyeen in hardanka dagaal ee magaaladaas ka dhaca ay saameyn weyn ku yeelankarto dadaka halkaa degan oo badankooda maanta ay ku habsatay abaaro iyo kuleyl jilaal, waxayna kulankoodaas ugu baaqeen madaxweyne Shariif inu soo jeedintoodaas qadariyo oo u amro in maleshiyadaas u abaabulan la dagaalanka shabaabka jawhar qabsatay dib uga laabto.

Warku waxuu intaa raacinaya in madaxweyne Shariif u ka aqbalay go'aankoodaas oo dabadeed  amar ka soo baxay xafiiska Madexweynaha uu faray in dhamaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo dhawan ka ambabaxay magaalada Muqdisho oo ku jeeday maagaalada Jowhar kuwaas uu hogaaminaay C/llaahi Macallin Mukhtaar oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada maxkamadaha garabka dowlada ku biiray ay sida ugu haboon ku soo galaan muqdisho.

Odayaal ku dhaw-dhaw xafiiska madexweynaha ayaa sheegay in madexweyne shariif isagoo ka duulaaya soo jeedinta odayaal dhaqameedka bulshada mudulood iyo dhibaatada ka soo gaari karto dagaal lagu qaado jowhar shacabka beeraleyda ah ee abaaruhu daashadeen sheegay in aaney suuro gal aheyn dagaal xillgaan ay dowladu ku qaado jowhar sababo uu ku sheegay madexweynuhu in daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan ay keeni karto alle ka fogaasho cad.

Taalaabooyinka uu madaxweynuhu kaga baaqsanayo dagaalo uu la galo kooxaha mucaardaka is biirsaday ee doonaya in ay dowlada majaxaabiyaan ayaa waxa ay soo dadajinkartaa burburka dowlada federalka soomaaliya.