Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Dhakafaarka Hawlgalada Al-Shabaab Iyo Falalka Argagaxa Ay Sameeyaan

Wednesday - May 20, 2009

War Bixin Xiiso Leh....Al-shabaab Waa Afo Fir Siloon Oo La Oran-karo Waxaa Iska-dhalay: Dawlad La’aan, Saboolnimo, Qabiil Iyo Al-Qaacida oo Salaan Ka Soo Dhigatay Al-itixaad.‏  
 
Muqdisho:-Shabaabku...run ahaan waa dhalinyaradii haddaa Dugsiyada sare ama Jaamacadaha ku jiri lahayd oo ku dhacay dabinka Al-qaacida...dadaalka ay ugu jirto Al-qaacida in ay ballaariso aagga ay kala dagaallamayso Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka ayaa ah Muhiimada ugu weyn ee ay Al-qaacida u Isticmaalayso Somalia.
 
Somalia oo aan dawlad lahayn,colaado sokeeye iyo dagaalo ku jirtay in ka badan 20-sano, waxbarasho iyo shaqo waa hore ayey sal-guureen...hubaal waxaa ka jira Somalia jawi Baahi iyo Fakhri ku qotoma oo ciddii doonaysaa ay danteeda ka fushato...Al-qaacidana waa ka mid qoonka intifaacsada oo mahadiyey burburka Soomaaliya.  

Magacyada la beddeshay ee lagu Been-abuurtay sida (Abu Mansoor, Abu Salma, Abu Quteyba, Abu Muxsin, Abu Zeynab,..) iyo labiska dharka ee laga soo minguuriyey Afqaanistaan iyo meelo kale iyo waliba sida loo hadlayo, intuba waxay tilmaamayaan in Isir aan Soomaali ahayn lagu abtirsado, ujeeddo ka gun-dheer ta Somalia lagu xasilin-karo ayaa la wataa...Al-shabaab wuxuu yahay Urur mayal-adayg iyo mintidnimo darteed uga soocmay ururadii kale ee ka dagaalamayey Somalia tan iyo 1991kii, sida Qabqablayaashii Dagaal, Maxkamadihii, Al-islaax, Al-itixaad iwm, Inkasta oo dadka qaarkood qabaan in Al-itixaad oo iminka ku gabata Magaca ah Al-ictisaam ay Korinta iyo Kobcinta Al-shabaab ay Qayb-libaax ka soo qaateen

Al-shabaab waxa hogaamin jiray Aaden Xaashi Cayrow  (Abu Muxsin Al-ansaari)  iyo Sh. Xasan Afrax oo ahaa ku xigeen...Ujeedadda Shabaab-ka ee ugu weyn waxa weeyaan in ay Somalia qabsadaan oo ay ka dhigaan Bogcad go’doon ka ah Caalamka intiisa kale, waxa kale oo ay doonayaan in dalka ay ka dhigaan Meel aan la kala lahayn oo ay ku soo uruuriyaan  shisheeya dambiile yaal ah oo aaminsan fikradooda, dadka Somalida ah ee Fikirkooda diidana la laayo oo la ciribtiro .
Qorshayaashooda waxa ku jira In shisheeyaha lala dagaalamo, ha noqdo mid Somalia doonaaya in ay nabadi ka dhalato iyo mid aan doonaynba...Soomaalida qabta in adduun-weynaha lala macaamilo oo xiriir lala sameysto ay yihiin Saliibiin ama gaalo-raac, loolana dhaqmo sida gaalada oo kale.

Shabaabku waxay u badan yihiin da'yarta u dhaxaysa 14 jir ilaa 22 jir, waana wakhtiga dhalinyarada iyo caruurta maskaxdooda la xadi karo waa sida ay sheegeen Dhakhaatiirta Cilmi-nafsiga ku takhasusay. Marka u horaysa ee Shabaab-ku ay gacanta ku dhigaan Da’yarta iyo caruurta waxa ay ka dilaan oo ka suuliyaan Muxibada iyo kalgacaylka Rabaaniga ah ee ILaahay Isu-galiyey Ubadka iyo Waalidkiisa, iyaga oo u tusaaya Da’yarta in Waalidkood yahay dada an dariiqa saxa ah ku taagnayn. Isla-marka caruurta u gacan gasho ayey ku bilaabaan dagaal galinta iyo Is-qarxinta 
 
Dahir Aweys, Mukhtar Roobow iyo Axmed Godane oo ah hogaamiyaasha Al-shabaab iyo Al-itixaad ama Al-ictisaam ayaa ah ragga ka danbeeya Qorshaha lagu halaagaayo Ubadkii Somaaliyeed ee berito ciidamin lahaa ama jiilkii soo socday... wali lama hayo wiil uu dhalay ama ehel dhow ku ah Dahir Aweys, Mukhtaar Roobow ama Ina-Godane oo Is-qarxiyey, Da’yarta iyo Caruurta ay xasuuqayaan ee dabka saareen waa Ubixii Waalidiinta danyarta ah ee Soomaaliyeed. Dhinca Europe iyo Maraykan ayaa war bixin laga soo saaray Caruurta Soomaaliyeed ee Shabaabku u gacan gashay lagu xusay in yihiin Dhalinyarada Maskaxiyan kala dhantaalan ee aan Is-maamuli karayn iyo kuwa dambiile yaasha ah ee nolosha ku fashalay ama ka dhacay oo ay ku adkaato in ay shaqo helaan

Xubnaha Waayeelka ee soo uruuriya Caruurta iyo dhalinyarada waxa ay joogaan inta badan gobolada dalka iyo wadamada deriska ah, gaar ahaan Kenya iyo xeryaha qaxoontiga, waxayna ka shaqeeyaan soo xero-gelintaa dhalinyarada da’da yar, iyaga oo u sheegaya lacag  gaadhaysa $500 oo Dollor. Waxayna ka dhaadhiciyaan in raalli-gelinta Ilaahay darteed, loo howlgelayo, waalid iyo cid kalena aanay shaqo ku lahayn oo si-qarsoodi ah loo maamulaayo. Waxay ugu ballan-qaadaan, ka dib markii ay muddo ka mid ahaadaan ururka oo ay galaan dagaalo dhowr ah in ay ka mid noqonayaan madaxada sare ee ururka, loona diri-doono Koorsooyin waxbarasho oo laga bixiyo dalalka Sudan iyo Sacuudiga.


Mar wareysi lala yeeshay wiil 19 jir ah oo ka tirsanaa Al-shabaab, wuxuu sheegay in ay jiraan shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in lagu aamino ama lagaa arko in aad tahay nin ay ka go’an tahay mintidnimo, haddii kale naftaada ayaa halis gelaysa oo waa lagaa shakiyi-kara in aad meel kale ku lug leedahay. 
“Haddii si buuxda laguu aaimno, waxa lagu siinayaa tababar 3 billood ah iyo lacag fiican oo Dollar ah, waxaana lagugu xaraynayaa xeryo ku kala yaal degaannada Baraawe, Marka iyo Raaskamboni, midkood...  Muqdishu haddii aad joogtana xarun ku taal Madina ayaa lagugu tababarayaa. Waxaa kaloo tababar 3 – 7 maalmood ah la isku siiyaan dhismaha NBC ee Muqdishu. Kuwaasi waa muddo gaaban ayuu yiri, waxaana lagu bartaa tuurista iyo aasidda miinada iyo weerarka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah

Xubno ka tirsan xubnihii hore ayaa iyagu dhalinyarada da’da yar ee waxbarashada ku jirta ka kaxeeya magaalooyinka waaweyn... mar iyadana lagula kulmay magaalada Nairobi, waalid carruurtoodii laga kaxaystay, ka dibna Maydkoodii laga helay Muqdishu. Aabbe Soomaaliyeed ayaa sheegay: In wiilkiisii oo College ka dhigan jiray duleedka magaalada Nairobi ay masuuliyiintii College-ku soo waceen, una sheegeen in muddo 7 casho ah aanu wiilkiisa ka soo xaadirin College-kii,waxuu yiri " Waxaan waayey meel uu ‘jaan iyo cirib’ u dhigay, ka dibna waa dambe ayaa Maydkiisii laga helay Xamar, goob ay ku dirireen ciidanka DFKG ah iyo kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab" ... Aabbe kale oo Soomaaliyeed oo isna waayey wiilkiisii, mar dambena loogu sheegay in uu joogo Xerada qaxoontiga ee Xagar-dheer ayaa la kulmay isla aabbaha hore, intii uu wiilasha raadinayey, si sahlan ayuuna ugu sheegay in uu wiilkiisa ka raadiyo Xamar, Geeri ama nolol mid kood...  Aabbaha dambe, wuxuu sheegay in wiilka markii hore laga helay xerada qaxoontiga, guri walaalkiisa leeyahayna uu ku sugan yahay,taas oo uu ku farxay Odaygii. Hase ahaatee mar dambe ayey xaaska uu qabo walaalkiis u sheegtay in wiilku meel u xirxiran yahay oo uu tegaayo. 

Intii uu Odaygii isu diyaarinayey in uu gaaro halkii wiilku joogay oo uu gacanta ku dhigo, ayaa wiilkii u dhaqaajiyey dhinaca Dhooblay, kana baxsaday reerkii. Welwel ayaa ku kordhay Aabihii, waxaana maskaxdiisa ka dhex guuxay Xamar iyo wiilkiisa oo Mayd ah oo loo soo sheegi doono. Dad Qaraabo ah ayaa wiilka ku arkay Dhooblay, kana codsaday in ay u kaxeeyaan Kismaanyo. Balse wuxuu u sheegay in aanu meela u raacayn. Wuxuuna ugu dambaystii 3 bilood tababar ah ku soo qaatay xerada Marka, dhamaadkii sanadka 2007.