Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Fadiilat Al- Digtoor Sh. Shuceyb Iyo Casharkii Baraarujinta Jimcaha " Xanuunka Wadnaha"

Thursday - May 21, 2009

Asalamu Aleykum, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah weyne, iyo saliga Suubanaha N.N.K. ha ahaato. Baraarujinta Jimcahan wuxuu ku saabsan Yahay: Xanuunada Wadnaha.

Xanuunada wadnaha ku dhaca, waa fara badan yihiin, waana kala duwan yihiin. Guud ahaan waxey wadaagaan calaamado lagu garto oo ka dhexeeya. Kuwo ka mid ahna ilmuhu marka ay dhashaan baa lagu arkaa, kuwo kalena markey xoogaa jiraan bay soo shaac baxaan, asbaab badan baa sabab u noqon kara in qofku ku dhoco xanuunka wadnaha, qaar laga hortegi karo baa jira iyo kuwo marka ay cusub yihiin wax laga qaban karo. Waxa jira Muuqaalka kuwo lagu garto, marka qofka misaankiisu hoos u dhaco oo uu caatoobo, Xanuun kusoo booday dartii, ama mid mudo soo jiray, qof aad u dheer adimadiisa sare ay ka dheer yihiin dhexdiisa sida cudurka loo yaqaan (Marphan Syndrome), Gabadh aad u gaaban oo muqaal duwan leh, sida cudurka loo yaqaan  (Turner Syndrome), hurdo badan iyo carab weyn, sida cudurka loo yaqaan (Hypothyroidism), Socod qaab daran, marka qofku socdo, cudurada ku dhaca xididada dareenka iyo murqaha (Neuro-muscular disease). Astaamo ka muuqda Wejiga, weji waayeelnimo ay ka muuqato, maqaarka wejiga oo duduub yeesha agagaarka indhaha, dhiig yaraan (Anemia), ama cagaarshow (Jundice) ka muuqda wejiga bukaanka. Cudurada ku dhaca qanjirada jirka ee kala duwan (Thyroid, Adrenal, Pituitary).

Cudurada loo yaqaan (Collagen Diseases) oo ay ka mid yihiin: Lupus iyo Scleroderma. Cudur loo yaqaan (Down’s Syndrome) oo ilmaha ku dhashaan. Cudur loo yaqaan (Marphan’s  Syndrome). Wejiga oo ay ka muuqato goobaabin guduudan, ama guud ahaan wada casaada. Astaamo ka muuqda dhegaha, Laablaabka dhegaha qofka sigaarka caba, Tophy oo lagu arko qofka qaba cudurka loo yaqaan (Gout). Astaamo ka muuqda Carabka oo midab bedelma (Cyanosis), Cudur dhaxal la isugu gudbiyo oo ku dhaca raga iyo dumarka loo yaqaan (Osler-Weber-Randu), Carabka oo weynaada (Macroglossia). Astaamo ka muuqda Afka, dhamxanag sare (High arch Palate), nadaafada afka (Oral Hygine).

Astaamo ka muuqda Calaacasha gacmaha iyo Lugaha,  faraha foodooda oo balaarta, sida madaxa lagu garaaaco durbaanka (Clubbing). Faraha oo laga dareemo xanuun aad u ba’an marka qobow ku dhoco (Raynaud’s).

Cudurada ku dhaca xidada dhiiga qaada, kuwa fog (Periferal Vascular Disease). Hurgunka Wadnaha gudihiisa (Endocarditis), sida Osler’s, Janeway, Splinter Hemorrhage. Calaamado ka muuqda Cidiyaha, Terry’s nails, Half moon nails, Calaamado lagu arko maqaarka Jirka iyo Naasaha, barar ku dhaca jirka oo dhan, ama qaar ka mid ah, Cudurada dufanada (Lipid disorders), sida Xanthelasma, Tuberous Xanthoma, Eruptive Xanthoma, ama isbedel ku dhaca xariijinta calaacasha (Palmar crease changes). Dhibco kasoo shaac baxa maqaarka jirka (Lentigo, Vetiligo, Café au lait), Naasaha oo weynaada (Gynomastia). Calaamado ka muuqda Murqaha iyo Lafaha, murqaha oo yaraada, ama gurma, seedaha oo dhibco xeyr ah kasoo dul baxaan (Tendon Xanthoma). COPD (Chronic Pulmonary Obstructive Disease).