Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Xoogagi Sh.Sharif Oo Dagaalka Ku Bar-bariiqday Iyo Obama Oo U Dibin-Ruugay Shababka Kibirku U Baaqay

Sunday - May 24, 2009

Mogadisho :Ciidamada Maamulka Sheekh Shariif oo isugu jira kuwii Maxaakiimta iyo kuwii hogaamiye kooxeedyada ayey dagaal la galeen Mucaaradka , waxaa durbadiiba u suurto gashay inay si dhib yar ku qabsadaan ilaa warshada Caanaha, suuqa Bakaaraha, saldhiga wardhiigley iyo maxkamada Xararyaale, Towfiiq ilaa jidka soddonka, laakiin sidii lagu yaqaanay maleeshiyada Kooxaha ayay markiiba ku soo laabteen meelihii ay ka duuleen, taasoo keentay inay si dhib yar xoogaga mucaaradku dib ugu qabsadaan goobihii laga saaray markii hore, marka laga reebo saldhiga Wardhiigley iyo agagaarka warshada Caanaha oo ay wali ku sugan yihiin.

Dagaalkii oo lagu soo jabiyay ciidamada Maamulka Sh.Shariif oo bilowgii hore gaaray guulo waawayn ayaa waxa la sheegay inay ka daaleen inay qaadaan weeraro rogaal celis ah, Waxayna u muuqdaan ciidamadan iska soo horjeeda kuwo aan isku tayo ahayn ... Ciidamada Mucaaradka ayaa ku dagaal galaya niyad saraysa iyo mabda' adag oo aysan wax uga dambeeya jirin, halka ciidanka Sheekhuna  ay ilaashanayaan Gunada yar oo nin walba uusan jeclayn inuu ka dhinto, Wararkan sheegaya in  ay ciidamada Sheekh Shariif diideen inay dagaalka markale galaan,ayaa taa bedelkeedana laga dalbaday inay soo celiyaan lacagihii gunada ahaa ee wiigii hore la siiyay, taasoo aan suurtagelin.

Kooxaha Mucaaradka ayaa sheegay in dagaaladan guulo la taaban karo kasoo hoyeen oo ayna doonayn in arimo siyaasadeed awgood ay weeraraan Xarunta Madaxtooyada cid naga celinaysaa ma jirto iyo cid naga horjoogsan kartaaba ,waxayna noo jirta wax ka yar kilo Mitir,Waxay kaloo ay sheegeen in dagaalku aanu joogsan doonin ilaa laga saarayo waddanka Ciidamada Unisom ee nagu soo duulay ,lana rido Maamulka la soo dhoodhoobay, waa sida ay hadalka ay u dhigeene.

Maamulka Sheekh Shariif ayaa isna sheegay in la gaaray hadafkii lagu dagaal geliyay Ciidamada , waxaana uu xusay in Ciidamada ay ku sugan yihiin goobihii ay la wareegeen, isla markaana hadii loo baahdo la howl gelin-doono markale si fudud, Iyagoo  tibaaxay in howl-galka Ciidamada  uu ku qotomo oo keliya amni sugid, waxaanay tacsi u direen dadkii khasaaraha ka soo gaaray dagaaladaa,waxaanay cadeeyeen in ay dhameyn-doonaan waxyaabaha hortaagan amniga dalka.

 Si kastaba ha ahaatee Maamulka Sheekh Shariif ayaa wali sheeganaaya guulo aan muuqan, iyadoona wali qolyaha Mucaaradkuna ay iyana guulo kale dhinacooda ka sheeganayaan, waxaana jawiga magaalada Muqdisho marka loo eego uu yahay mid meelo badan ka degan, oo waxaa magaalada intoodii badneyd gacanta ku haaya Kooxaha Mucaaradka.