Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Kontorolka Afgooye Oo Lagu Qabtay Koox Dhalinyaro Ah Oo U Afdooban Al-Shabaab

Sunday - May 31, 2009

Muqdisho- War laga soo xigtay Taliyaha Ciidanka Bilayska ee Dawladda Sheekh Shariif ayaa sheegay inay qabteen koox dhalinyaro ah oo sida ay sheegeen laga soo afduubay dhinaca Shabeelada Hoose, kuwaas oo ay ku eedeeyeen kooxda mayalka adage ee al-shabaab inay ka soo afduubeen magaalooyinka Buulo-Mareer iyo Golweyn oo ka tirsan gaobolkaas.

Sida uu shalay saxaafada u sheegay taliyaha ciidamada bilayske ee dowladda Somalia General Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid ) waxaa lagu qabtay Kantaroolka Muqdisho koox dhalinyaro ah oo tiradoodu tahay illaa 11 qof , kuwaas oo uu sheegay inay reerahoodii ka soo afduubeen Kooxda Al shabaab.

General Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay in dhalinyaradani ay soo afduubeen maleshiyada  Al- Shabaab, hase yeeshee ma u sheegin Taiyaha Bilaysku sababta iyo ujeeddooyinka loo soo afduubay kooxdan dhalinyarada ah ee uu sheegay inay u afduubnaayeen kooxda ka soo horjeeda ee al shabaab .

Max’ed Cusmaan oo ka mid ah dhalinyarada uu bilaysku sheegay in lagu qabtay kantaroolka iyaga oo la soo afduubay ayaa warbaahinta u sheegay in laga soo qabtay degmada Buullo Mareer afar maalmood ka hor, isla markaana ay shalay ciidamada dowaladdu ay qabteen xilli ay soo gelayeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fataax Ibraahin Shaawey ayaa isaguna waxa uu  sheegay in sida uu tilmaamay ninkii hor kacayay dhaliyaradani ay ku dileen ciidamadu Ex Contarol Afgooye waa sida uu hadalka u yiriye.

Ma jirto illaa hadda warar  madax banaan oo xaqiijinaya waxa ka jira dhalinyaradan ay dowladdu  soo bandhigtay in la soo afduubay, iyada oo aanay weli ka hadlin Masuuliyiinta Kooxda islaamiyiinta al-shabaab ee lagu eedaynayo inay soo afduubeen dhalinyaradaas.

Maaha markii koowaad ee kooxda al shabaab lagu eedeeyo inay afduubaan dad dhalinyaro ah oo  isugu jira rag iyo dumarba, balse dhawaan ayaa waxaa kooxdaas lagu eedeeyey inay gobolka shabeelada hoose xoog ku kaxaystaan gabdhaha dhalinyarada ah, kuwaas oo la sheegay inay qasab ugu dhisaan dagaal-yahaniinta kooxdaas ee aan xaasaska lahayn.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho oo in dhawaalaba ay aafeeyeen dagaalo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta iyo dawladda uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey aanay wax dagaalo ahi ka dhicin, in kasta oo la sheegay in degmada boondheere iyo wardhiigley ay ka jiraan dagaalo goos-goos ah oo hub artelery laysu adeegsanayo lamana garankaro sida ay ku dhamaandoonto.