Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kooxo ka Tirsan Al-Shabaab Oo Isu Dhiibay Maamulka Soomaaliland

Sunday - May 31, 2009

Hargeysa: Sida la xaqiijiyey Dhallinyaro u dhalatay cariga Somaliland, oo hore uga tirsanaa ciidamada kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen maamulka Somaliland.

Dhallinyaradan oo tiradooda lagu sheegay labaataneeyo, waxa la sheegay inay ka faa’iidaysteen cafis uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland sheegay in loo fidinayo muwaadiniinta Somaliland ee ka barbar dagaalama Al-Shabaab.

ILo xogogaala oo lagu kalsoonaankaro ayaa sheegay inay jiraan muwaadiniin reer Somaliland ah oo tiradooda lagu qiyaasay labaataneeyo, kuwaas oo cafis soo weydiistay dawladda Somaliland, ka dibna laga aqbalay... Warku waxa uu sheegay in qaar ka mid ah raggaasi hadda soo gaareen magaalooyin ka tirsan Somaliland. Mid ka mid ah raggaas ayaa la sheegay inuu hadda ku suganyahay degmada Cadaadlay oo ka tirsan gobalka Hargeysa. Qaar ka mid ah dadweynaha Cadaadlay ayaa wargeysyada qaarkood u sheegay in ninkaasi ciidamada ammaanka u sheegay inay iyagoo gaaraya labaataneeyo nin ay ka faa’iidaysteen cafiska uu Madaxweyne Rayaale dhawaan u fidiyay muwaadiniinta reer Somaliland ee ka barbar dagaalama ciidamada Al-Shabaab. Wuxuu sheegay inay ka yimaadeen koonfurta fog ee Somaliya, iyagoo si dhuumasho ah ku soo baxay.... Ragga kale ayaa la sheegay inay kala tageen magaalooyinkii ay u kala dhasheen, ka dib markii xukuumadu aqbashay cafiska ay dalbadeen.