Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Geesigi Talaabadiisa Xarago Ku Tamashleyn-Jiray Ee Mr. Butin Oo Mudaharaad Lagu Xag-Xagtay

Monday - June 1, 2009

Moscow:Ciidamada Sirdoonka ee wadanka Ruushka ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen 50 qof oo ku guda jiray fadqalalo iyo mudaaharaad ay samaynayeen dad ka soo horjeeday Riisla wasaaraha wadankaasi Fladamer Buntin oo marku socdo talaabooyinka la tiictiica.

Dadkaan oo ciidamada amniga ay dhaqdhaqaaqooda horay ula socdeen ayaa la sheegay inay wateen boorar ku qornaayeen erayo lidi ku ah Riisal wasaare Butin iyagoo ku eedeeyay inuusan waxba ka qaban dhibaatada dhaqaale ee ka jirta wadanka Ruushka waxayna ku dhawaaqayeen "dooni mayno dhaqaale xumo dooni maydo Butin"

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in dadka la xiray iminka suaalo la waydiinayo islamarkaana ay ku jiraan xabsiyada kala duwan ee magaalada Mosko, waxayna ka sharqamiyeen in dadkaas la qabqabtay qaarkood ay hangoolka u luleen sirdoono shisheeye oo afgambi la doonaya Mr. Buutin.