Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawladaha IGAD Iyo Qaramada Midoobay Oo Ku Heshiiyey In Al-Shabaab Sidi Hilib Baruura Loo Karkariyo

Tuesday - June 2, 2009

Muqdisho- Waxaaa jira tilaabooyin iyo abaabul Balaaran oo ay qayb ka yihiin Dawladaha Gobolka Geeska Afrika oo looga hortagayo Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab iyo Xisbul Islaam... Qorshahaas DKMG iyo Dawladaha Gobolka ayaa maalmahaan danbe si weyn looga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo ka mida Gobolada Dalka Soomaaliya... Ujeedada la isku ogyahay waa in shabaab araxda laga toogto oo si fiican looga dhiigeeyo... si shacabka ay hurdada ka soo xireen salka loogu dhigo.

Wasiirka Amniga Qaranka ee DKMG Cumar Xaashi  iyo ciidamo baaxad leh oo uu wato ayaa shalay soo gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne halka dhaq-dhaqaaq kaa la mid ahina uu ka soconayo deegaanada Dolow,Bay iyo Bakool iyo Gobolo kale oo ku yaala Gudaha Soomaaliya sida Sh/hoose iyo Sh/dhaxe.

Wasiirr Cumar Xaashi oo horey u sheegay in dawlada uu ka tirsan yahay la dagaalamayso Kooxaha ka soo horjeeda ayaa sheegay in uu socdo qorshe la isku xirayo Gobolada Dhexe ilaa Gedo, waxaana  laga baqanayaa in dagaal aad u kharaar in ay halkaasi kula galaan Kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in looga baahan yahay Wadamada Geeska Afrika in ay la yimaadaan Talaabo la mid ah tii ay sameeyeen Dawladaha Galbeedka Afrika ee ECOWAS loo yaqaano...Dawladahaas ayaa guluf dagaal oo aad u culus oo ay ka sameeyeen wadamada Liberia iyo Seara- Leone waxaa ay awoodii kaga Tuureen Hogaamiye Kooxeedyadii awooda ku haystay wadankaas oo uu kamid ahaa  Jarles Tiler.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagay taliyaha Ciidamada Lugta ee dawlada Yugaandha General katumba Wamala kaasi oo booqday Xeryaha Ciidamada Yugaandha ay ka joogaan Muqdisho si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Yugaanda.