Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gaashaanbuurta NATO Oo Ka Hortagtay Shufto-badeed Soomaali Oo Damacsaneyd Iney Geysato Afduub

Wednesday - June 3, 2009

London- Ciidamadda Badda ee Wadanka Maraykanka ayaa waxay sheegeen in Ciidamadda Wadanka Ingiriiska iyo Spain ay Hubka ka soo dhigeen Kooxo Burcad Badeed ka dib marki ay damceen in ay Weerar ka geystaan Biyaha Gacanka Cadmeed.

War Qoraal oo ka soo baxay dhinaca Fariisinka ayaa lagu sheegay in Ciidamadda Wadanka Ingiriiska iyo Spain oo howlgal ka waday Xeebaha Gacanka Cadmeed ay soo bacsadeen Kooxo Shufto Badeed oo gaareeya 10-qof kuwa oo xilligaas ugaarsi ku hayey Maraakiibta Ganacsi ee goosheeya Xeebaha Gacanka Cadmeed.

Waxaana iyaga oo sii wadajir isku kaashaneeya ay bacsadeen Kooxahaas oo watay dooni yar ayna ku guuleysteen in dhamaan ay Hubka ka soo dhigaan Kooxihi Burcad Badeeda inkasto aan warbixinta lagu sheegiin qaabka hubka lagala soo haray Shufto Badeeda,Waxaana aan sidoo kale la sheegin halka ay ku dambeeyeen Kooxahaas.