Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Fadiilat Al- Digtoor Sh.Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Jimcaha " Ninkaan Maxaa Madaxa Looga Gooyey"

Thursday - June 4, 2009

Asalamu Aleykum, Waxaan ku bilaabayaa baraarujinta Jimcahan Magaca Allah iyo Saliga Suubanaha Maxaed N.N. Korkiisa ha ahaato, Baraarujinta Jimcahan wuxuu ku saabsan yahay dhacdo aad cajiib u ah oo ka dhacday magaaladan Riyadh ee dalka Saudi Arabia, Cinwaan waxa aan uga dhigay, Ninkan maxaa madaxa looga gooyay, dhacdadan way ka duwan tahay maqaaladii ku saabsanaa caafimaadka ee aad iiga barateen inaan idiin soo gudbiyo hase yeeshee waxaan door biday inaan idin xusuusiyo foolxumo dil iyo kufsi in ay ka dhacaan dal ka mid ah dalalka islaamka gaar ahaan dalka hogaanka u ah wadamada Islaamka ee maanta dunida aan ku noolnahay ah, midka qura ee si dhab ah sharciga Allah looga fuliyo, Allah ha siiyo garasho iyo geesinimo ay ku sugaan Sharciga Allah Ragga ka taliya, wakhti aduunka intiisa badan ay saameysay isdhex yaac iyo kharaab markii laga tegay sharciga Allah uu ugu tala galay in lagu dhoqo adoomadiisa si ay ugu noolaadaan aduunka nabad iyo barwaaqo iyaga oo aan ka baqeyn Allah mooyee.
Midan waxey tusaale u noqoneysaa dadka Soomaalida ah ee ku noolaa mudo ku dhow 19 sano dagaal sokeeye ee marba maga cusub iyo weji loo yeelayay oo aan ka badbaadin mid xoog leh iyo mid tabar daran, dumar iyo caruur bal iska daa kuwa da'da ay ka daba timi xag Allah, ugu dambeyntiina la adeegsaday magaca Diinta Islaamka, Allah markhaati ka yahay kana madax banaan yahay in aysa Diinta Islaamka shaqo ku lahey oo ay runta ka fogtahay, maxaa yeelay Allah iyo Rasuulkiisa ma oran hala laayo dad aan wax galabsan ama ha la qaxiyo, gaajo iyo oon ha la bado bulshada kuwa ugu tabarta daran, Allah oo u gargaara mooyee aan hiil kale laheyn.
 
Waxaan u sheegayaa akhristaha bogan hadii uu doono sawirada dhacdadan jimcihii lasoo dhaafay 29kii May/ 2009, ha iisoo gudbiyo cinwaankiisa *email* uu ku dalbayo sawiradaa, anigana waxaan u balan qaadayaa inaan si deg deg ah ugu soo gudbiyo......
Dhacdadan iyo xukunka lagu fuliyay nin Sacuudi  ah Jimcihii lasoo dhaafay waxey ka dhacday magaalada Riyadh xaafad ka mid ah oo la yiraah (Silay) kuna taala bariga magaalada Riyah, Dhacdadan kuwo la mid ah maalin walba waxey ka dhacaan meelo ka mid ah aduunka aan ku noolnahay, gaar ahaan dalkeena Somalia ama magaalada Muqdisho aan iraahdo 19kii sano ee lasoo dhaafay, waxa surowda iney ka duwan yihiin qaabka, hase yeeshee foolxumada waa isaga mid, wax ka hadla ama sii qaad qaada ma jirto, midan maxey kaga duwan tahay waa su'aal meesha ku jirta?
 
Mar laga joogo dhowr bilood aan iraahdo, maalin ka mid ah maalmaha, inan yar oo jira 11 sano isaga oo gadaya dukaan yar oo aabihii leeyahay waxa usoo galay nin, wiilka aabihi oo ka maqan dukaanka, ninkii markii uu hubsaday in wiilka aabihii uusan meesha ka dhaweyn, waxuu xoog ku maquuniyay inankii yaraa, markii uu fara xumeeyay intaa kuma dhaafin ee xarig intuu qaatay qoorta kaga maray kadibna kasoo laadlaadshay guriga dhexdiisa oo dukaanka albaab gadaale uga furnaa, Nasiib darro aan iraahdo maxaa yeelay markii uu is yiri ka bax dukaanka waxa albaabka kasoo galay wiilka aabihii, odagii marka uu arki waayay inankiisa waxuu weydiiyay ninkii isaga oo ku yiri "Mee inankii dukaanka gadayay", waxa uu ku jawaabay ninkii dembiilaha ahaa ee foolxumada iyo dilka u geystay inankii yaraa, aqalka buu galay, Isaga oo ogaaday in markan aysan u sugneyn dariiq kale oo aan aheyn in odaga qudhiisa uu dilo mar hadii uu arkay wejigiisa, ninkan wuxuu ogaa hadii kooxaha nabadgelyada qaabilsan inuusan marna ka baxsaneyn xukunkiisana ugu dambeynta uu noqonayo Qoorta in laga gooyo.
Odagii wiilka dhalay isaga oo warmoog ah waxa uu u kacay dhanka guriga, inta uusan gaarin albaabka dambe waxa uu ka war helay nabar kaga yimi madaxa, markiiba wuxuu ku dhacay dhulka, ninkii dembiilaha ahaa oo birta kaga dhuftay madaxa odagii wiilka dhalay kama harin ee waxa uu durbadii la gaaray dhowr kale si uu u dilo odaga, markaa ka dib isaga oo aan hubsan in odagii dhintay markii uu arkay in ninka dhulka yaala uu miyir beelay aadna u dhiig baxay, albaabkii dukaanka buu ka baxay isaga oo dib usoo xiray si dad kale  usoo gelin inta u ka fogaanayo meesha uu dembiga ku galay.
Mudo yar ka dib waxa soo miirsaday odagii wiilka dhaly, wuxuu usoo  dhabo xaartay dhanka albaabka dukaanka ee hore, wuxuu bilaabay inuu garaaco albaabka dukaanka markaana qeylo dhaansho si loogu soo gar gaaro.
Dadkii marayay jidka hor mara dukaanka oo maqlay qeylada odagaa baa isla markiiba ku dhutay 999 oo ah teleefoonka boliiska wareega kana tirsan nabadsugida iyo amniga wasaarada arimaha gudaha ee dalka Saudi Arabia, markiiba waxa soo gaaray meesha boliska, dab demiska, iyo kooxda gargaarka deg dega (Ambulance), albaabkii markii la jebiyay waxa la arkay odagii oo aad u dhiig baxay, iyada oo lala yaabay ninkan dhaawaca ku yaala, isla markiiba waxa loola orday Isbitaalka, nasiib daro inta uusan gaarin buu geeriyooday oo u dhinta dhawacyadii soo gaaray, waxase midaa ka foolxumaad badnaa markii ay arkeen kooxihii gargaarka willkii yaraa oo kasoo laalaada xarig qoorta kaga maran, faraxumeyntii loo geystayna ay ka muuqato.
Isla maalintii dhacdadan ay dhacday waxa la gaarsiiyay warka arintan wasiirka gudaha isla markaa ah ku-xigeenka labaad ee boqorka dalka Saudi Arabia, wuxuu dhaar ku maray inuu si deg deg ah gacanta ugu dhigayaan kooxaha u qaabilsan sirdoonka kadibna la marin doono waxa waajibkiisa ah, waxa kaloo uu balan ku qaaday in uu u'noqon doono wax ay ku cibrad qaataan kuwa ku xadgudba amniga iyo nabadgelyada dalkan barakeysan, iyo ninkastoo ku fekera inuu sahal ka dhigto ku xadgudubka xurmada iyo sharafta uu leeyahay qofka ku nool dalkan oo lagu dhaqo Shareecada Islaamka.
Run ahaantii waxa Allah fududeeyay sidii loo soo qaban lahaa ninkii foolxumada iyo dilka geysta mudo gaaban inta aysan ka soo wareegin dadkuna aysan weli hilmaamin arintan, waxa lasoo hortaag sharciga si loogu qaado dembigii uu geysta, waxa lagu xukumay dil iyo in qoorta looga gooyo meel ku dhow goobtii uu dembiga ku galay sidii uu balan qaaday wasiirka arimaha gudaha ee dalkan, si ay tussaale ugu noqoto aduunka oo dhan in dalkan uu ku taagan yahay Sharcigii Allah ugu tala galay in adoomadiisa lagu dhoqo oo shakiga uga boxo dad badan oo is oran jiray Dalkan wuu is bedelay oo sharcigii qoor goynta waa laga gudbay.