Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Basbaaska Kulul... Faaiidada Iyo Waxtarka U Leeyahay Jirka... By Maxamed Cali Gaabiye

Friday - June 5, 2009

Ninkii sahamiyaha ahaa ee (Columbus) ayaa ahaa ninkii reer Yurub ee garta geedkaa Basbaaska kulul
Basbaaska kulul wuxuu yahay farmasii dawooyin ah oo balaadhan, isagoo dhinac ahaan loo isticmaalo in uu kordhiyo xiisaha cuntada, Islamarkaana burburiya cuntada marka ay gasho caloosha, wuxuu kaloo xoojiyaa xidadada dhiiga qaada, waxa kaloo ku jira basbaaska kulul faaiidooyin badan oo aad wax u tara Jidhka siiba caloosha iyo qalbiga ,
wuxuu kordhiyaa garaacista qalbiga, wuxuu yareeyaa kolestroolka , wuxuu daaweeyaa nabarada caloosha (gaastariga), wuxuu joojiyaa meelaha dhiiga ee jidhka, wuxuu dedejiyaa bogsashada nabarada, wuxuu cusboonaysiiyaa unugyada wax noqday ama dhintay, wuxuu yareeyaa cabudhka wuxuu kaloo yareeyaa xanuuka laabatooyinka iyo roomaatiisamka, wuxuu kaloo joojiyaa xanuunada la kala qaado ama fida .
Dadku waxay cunaan basbaaska isagoo cusub ama cuntada ayay ku dhex cunaan ama way daqiijiyaan, wuxuu ka bilaabmay isticmaalka basbaasku koonfurta maraykanka iyo ameerikada dhexe 7,500 sanadood ka hor laakiin godadkii danbe ee laga qoday koonfur galbeed ee dalka equadoor ayaa cadaysay in basbaaka si wayn loo isticmaalay 6,000 oo sanadood ka hor,
basbaasku waa dhirta labka iyo dhedegaba wada leh ee isagu iskii u midha dhala, taas u suuragelisay dadka ku nool koonfurta maraykanku in ay aad u isticmaalaaan, sida a u muuqato ninkii sahamiyaha ahaa ee Christopher Columbus wuxuu ahaa ninkii uugu horeeyay ee reer Yurub ee ku arka geedka basbaaska badda Kaariibiga