Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wakaalada Wararka Ee Reuters Oo Soo Warisay In Sh. Daahir Aweys Dhintay Iyo CIA-da Mareykanka Oo....

Sunday - June 7, 2009

Degaanka Wabxo: Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in hogaamiyaha kooxda la baxday Xisbul Islaam ee Xasan Dahir Aweys uu geeriyooday,

Siday Reutres uga xaqiijiyeen Dad ku sugan Deegaanka Wabxo iyo Masuuliyiiinta Ehlu Suna Waljameeca ayaa carabka ku dhuftay Xasan Daahir Aways inu si xun ugu dhaawacmay Dagaalki Wabxo iyadoo uu markii dambe u geeryooday.

Laakin Masuul u Hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Caraale oo xaruntiisau tahay meel ka mid ah suuqa bakaaraha ayaa beeniyey in hogaamiye Xasan Daahir Aweys uu geeryooday wuxuna sheegay in Dacaayad raqiisa ay tahay Warkaasi lana doonayo in lagu khalkhaliyo laguna jabiyo geesiyaasha mujaahidinta dagaalka ku jirta ee Xisbigooda.

Si kasta ha ahaate waxay dad badan oo degaanka gobolka galgaduud xaqiijinayaan ineysan Muran ku jirin in Sh. Xasan Daahir Aweys uu si xun ugu dhawacmay Dagaalkii Wabxo dabadeedna u xijaabtay taas oo keenaysa in laga shakiyo Warka Caraale ee Xisbul Islaam ee sheegaya inuu Nool yahay.