Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Kenya Oo Beenisey In Mareykanka Ku Cadaadiyey La Dagaalanka Mucaaradka Dawlada Shariif

Monday - June 8, 2009

Nairobi- Dawlada Kenya ayaa sheegtey in taageerada ay siineyso dowlada KMG ee Soomaaliya iyo cadaadiiska la saarayo kooxaha mucaaradka aysan ahayn cadaadis kaga yimid Mareykanka.

Wasiirka arimaha dibda Kenya Moses Wetangula oo u waramay wargeyska East Africa ee dalka Kenya ayaa sheegay in siyaasada Mareykanka ee gobolka Geeska Afrika aysan saameyn ku yeelan habka dowlada Kenya iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Kennya waxaa uu ka jawaabayey warbixin ay qoreen wargeysyada dalkaasi Kenya oo ku saabsan in dowlada Mareykanka ay cadaadis ku saareyso wadamada gobolka oo ay Kenya ka mid tahay in la takooro kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya isla markaana taageero xoogan la siiyo DKMG.