Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Warbixin La Xariirta Sababihi Burhaan Xasan Oo Dhalasho Mareykan Qabay Jimcihi Loogu Dilay Mogdisho

Tuesday - June 9, 2009

US-Mennosota- Burhaan Xasan, oo ahaa wiil Somaliyed oo haystay dhalashada Maraykanka, kana barbar- dagaalami jiray kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday dagaaladii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Burhaan Xasan, oo ay da’diisu ahayd 17 jir, waxa uu ka mid ahaa koox dhallinyaro ah oo degenaa dalka Maraykanka oo sannadkii hore ku biiray Al-Shabaab...waxaanu muddo ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee ay Al-Shabaab ka taliso... Sida uu habeen hore baahiyay Telefishanka Fox News ee dalka Maraykanka oo yiri: "Qof sheegtay inuu ka tirsanyahay Al-Shabaab ayaa duhurnimadii Jimcihii telefoon u soo diray Burhaan hooyadii, waxaanu u sheegay inuu geeriyooday Jimcihii oo Sidaas waxa cadeeyey Cismaan Axmed oo ka mid ah qoyska Burhaan, waxaanu intaas raaciyay, "Burhaan hooyadii inta ay naxday ayay telefoonkii tuurtay, markii warkaas loo sheegay."

Mr. Cismaan, waxa uu sheegay in aanu Burhaan ku dhiman dagaal, balse ay kooxda Al-Shabaab dishay ka dib markii ay ka war heleen inuu doonayo inuu safar ku tago dalka Kenya oo ay qoyskiisu u qaban qaabiyeen... Burhaan ayaa la sheegay inuu qoyskooda Maraykan degen la xiriiray usbuucyo ka hor geeridiisa, waxaanu xilligaas isagoo ku hadlayay cod daciif ah uu u sheegay inay kaneeco hayso. "Laakiin xaqiiqda ah inuu ka tagayo iyaga [Al-Shabaab] ayaa walaac ku abuurtay, dabadeedna way khaarajiyeen." Sidaas waxa yiri nin ka tirsan ururada Somalida ee Maraykanka degen oo lagu magacabao Cumar Jamaal, waxaanu intaas raaciyay, "Waa fal kuwa kale u cadaynaya in soo noqoshadoodu aanay sahal ahayn."