Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Waa Arin Murugo Leh Hooyo Faransis Ah Oo Caruurteedi Sidi Digaaga U Shiishay,Kuna Keydsatay Talaajad

Wednesday - June 10, 2009

France-Tours :- Sadex sano kadib markii laga helay meydka laba CARUUR oo markii ay dhasheen la diley qaboojiyana ama talaagada lagu riday, ayey ka hor qiratey Hooyadii dhashey Maxkamad ku taala magaalada Tours ee dalka Faransiiska in ay ku dhashey si qarsoodi sadex caruur ah dhamaantoodna dishey.

Waxay ahayd magaalada Seul ee Dalka Koonfur Kuuriya markii nin Injineer dhalinyaro ah oo u dhashey dalka Faransiiska magiciisana la yiraahdo Jean-Louis Courjault uu aduunka ka nixiyey kuna ridey amakaag iyo wax aan horey u dhicin, waxa uu damcay in uu Qaboojiyaha guriga uu deganaa geliyo Kaluun markaas la soo dabay (Jilaabtey) laakiin waxa uu ka dhex helay Hilbkii ku jirey Qaboojiyaha iyo Qudaarta dhexdoodi laba ilmood oo xuduntii ku taalo isla markaasna ku duuban shukumaan kuwaas oo meyd ah.

Degdeg ayuu ula xiriiray Booliska Koonfur Kuuriya, kuna war geliyey waxa uu arkey...Dhanka kale dalka Faransiiska saacadaas waxa ay u ahayd habeen xaaskiisi iyo labadiisi wiil waxa ay ku jireen fasax mana aanu damcin in uu arinta la socodsiiyo.

Caruurtan yaryar ee sida barafkii la fariisiyey waxaa dhici karta in ay yihiin kuwiisi laakiin isagu ma oga...Booliska Koonfur Kuuriya ayaa ka codsadey in laga qaado dhiiga loo yaqaan DNA, isna waxba kama shakin markiiba waa uu yeelay.

Intaas kadib waxa uu dib ugu laabtey dalka Faransiiska. Xaaskiisi waa ay diidey in ay wax ka ogeyd caruurta laga helay qaboojiyaha. Injineerkii qabayna waa rumeystey, laakiin Booliska dalka Koonfur Kuuriya waxa ay u soo direen Masuuliyiinta Faransiiska in labada wiil ee Xuduntu ku taaley ee Qaboojiha lagu helay in waalidkood ay yihiin Injineerka helay iyo Xaaskiisa. (Jean-Louis Courjault iyo Veronique Courjault)

Xaaskeygu ma dhalin caruurtaas ayuu yiri Injineerku sanadkii 2006 mar ay qabteen shir saxaafadeed magaalada Tours, sidoo kale waxa uu sheegay in uu marar badan oo hore uu furey Qaboojiyaha waxna aanu ku arag inkasta oo uu sheegay inaanu hoos ugu dhaadhicin marna Qaboojiyaha.

Laakiin markii Booliska dalka Faransiisku ay ka qaadeen dhiiga loo yaqaan DNA-ga waxaa soo baxay natiijadii u soo baxdey Booliska Koonfur Kuuriya ee ahayd in ay iyagu dhaleen caruurta laga helay Qaboojiyaha iyaga oomeyd ah.