Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadilat Al-Digtoor Sh. Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Jimcaha Casharka" Cudurka Qaaxada-Tuberculosis"

Thursday - June 11, 2009

Bismilaahi Raxmaani Raxiim...Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay Allah, Isaga oo ku maneystay adoomadiisa caafimaad ay ku gutaan cibaadadiisa, yaa koobi kara nimcadiisa uu u fidshay adoomadiisa, tan ugu qiimo badan ay tahay caqliga wax lagu garto oo lagaga fogaado xumo oo dhan iyo wixii nafta dhib u keena. Waxaan ku furayaa baraarujinta Jimcahan, magaca Allah iyo saliga suubanaha Maxamed N.N. Korkiisa ha ahaato, wuxuu ku saabsan yahay Cudur la isqaadsiiyo oo Soomaalida aad ugu badan kuna magcawdo Qaaxo ama afka qalaad *Tuberculosis*, Cudurka qaaxada waa mid ka mid ah kuwa sida ba'an la isu qaadsiiyo si sahlana ku faafa, waxa keena noole yar oo ah nooca loo yaqaan Bakteriyada, magaciisa cilmiga ah uu yahay (Mycobacteria Tuberculosis) midka ku dhaca dadka, waxa kaloo jira nooc kale oo ku dhaca xoolaha marar dhif ahna asiiba dadka oo lagu magcaabo (Mycobacteria Bovis).
Qeybta ugu badan ee jirka ka mid ah ee qaaxadu haleesho waa Sambabka, hase ahaatee jirka kale meelo badan oo ka mid ah wuu ku dhacaa cudurkan sida: Qanjirada, Lafaha, Uurgalka, Wadnaha, Kelyaha, Kaadimareenka, iyo Maskaxda. Waxa lagu gartaa bukaanka uu ku dhoco cudurkan, iyagoo ka sheegta xanuun guud oo jirka ka saameeya, daal, qandho, culeyska jirka oo hoos u dhaca, iyo dhidid fara badan habeenkii marka uu hurdo. Marka cudurku haleelo Sambabka waxa lagu arkaa bukaanka qufac fara badan oo ay la socoto malax iyo dhiig casaan xigeen ah. Marka bukaanka cudurkan ka haleelo Qanjirada jirka gaar ahaan kuwa luqunta waxa dhacda iney qanjirada bararaan ama malax yeeshaan, nooc ka mid ah cudurkan oo aad halis u ah waa midka ku dhaca Maskaxda (Tuberculos Meningitis) oo u badan caruurta. Marka uu haleelo cudurkan Kaadimareenka waxa bukaanka lagu arkaa, kaadida oo gubta xanuun ku qabata ama ay soo raacdo dhiig. Sidoo kale hadii bukaanka cudurka ka haleelo lafaha,  waxa isbedela qaabkooda ama waxa ay yeeshaan malax (Osteomyelitis). 
Waxa xusid mudan in wadamada saboolka ah ama loo yaqaan kuwa soo koraya cudurkan aad ugu badan yahay gaar ahaan Haweenka oo uu ka haleelo qeybaha ku shaqo leh Dhalmada (Uterus, Tubes, and Ovaries), midaa oo qeyb weyn ka qaadata sababna u noqota in dumar fara badan gabaan dhalmada caruurta ama ku reebta hurgun mudo dheer socda ugu dambeynta xira mareenka Ukunta dumarka (Fallopian Tubes). Marka lagu arko cudurkan haweenka ilamaha nuujinaya ee aan horay loo tilaalin, waxa loo baahan yahay in la hubiyo iney qufac ledahay iyo in candhuufta la socdo noolaha Qaaxada keena, si looga baaraan dego waxtarka naasnuujinta iyo khatarta uga iman karta ilmaha la nuujinayo oo ay dhici karto iney qaadsiiso cudurka.
Hadii laga shakiyo in qof uu qabo cudurka, waxa loo baahan yahay in la baaro si loo hubiyo inu khatar u keeni karo dadka la nool oo ku dhow, waxa laga qaadaa baaritaan loo yaqaan (Mantoux test),  waxa lagaga mudaa gacanta cirbad lagu aqoonsado cudurka, labo iyo todobaatan saac (72 hours) ka dib waxa la akhriyaa natiijada oo waxa la'eegaa meeshii lagu muday cirbada  iney soo barartay, hadii ay ka badnaato 12 cm. waxa la yiraah waa (Positive), taasi ma aha in qofku qabo cudurka ee waxa ay tilmaan u tahay in qofku horay ula falgalay noolaha cudurka keena oo jirkiisa xambaarsan yahaya. Takhtarku markaa ka dib wuxuu dalbaa sawirka X-Ray ee feeraha si loo hubiyo in qofku bukaan yahay iyo in kale, marka sawirka feeraha noqdo mid wax muujiya (Positive) isla markaana bukaanka lagu arko calaamadaha lagu garto bukaanka qaba cudurka, waxa loo baahan yahay in la bilaabo dawada u gaarka ah qaaxada midaa oo isugu jirta ugu yaraan afar nooc oo kala duwan, bukanka waa inuu qaato ugu yaraan lix ilaa sagaal bilood, mudo u dhexeysa saddex ilaa afar usbuuc marka uu qaato dawada candhuufta laga waayo nioolaha waxa bukaanka laga qaadaa bandowga iyo karantiinka, noloshiisa caadiga aheyd buu dib ugu laaban karaa. Sababta loo siiyo bukaanka dawooyinka dhowrka ah waxa ay tahay si looga hortago in noolaha qaaxada uu u yeesho adkeysi (Resistance), xaga dawada lagula dagaalamo oo ay markaa wax ka tari weydo, midaa oo sanadadan dambe soo korodhay markii si xun loo isticmaalay ku dhaqanka dawada lagula dagaalamo qaaxada markii ay soo shaac baxeen cuduro cusub sida AIDS, oo digada ka dhigay difaaca jirka bukaanka, ama kansarada kala duwan ee ku dhaca dadka.