Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Masuullinta Masjidka Abuubakar-Sadiiq Ee USA- Minneapolis Oo Dacwad Lidi Ku Ah Lagu Soo Oogay

Monday - June 15, 2009

US- Minneapolis: Qoys Somaliyeed oo dhawaan wiilkoodi looga dilay Mogdisho ayaa eedeyn iyo dacwad ka dhan ah mid ka mid ah masaajida Somalida ee Minneapolis (Mareykanka) u gudbiyay booliska iyo sirdoonka FBI kadib markii ay ku eedeeyeen masuullinta masjidka lagu magacaabo Abuu-Bakar As-sadiiq in shirqoolkii lagu dilay wiilkooda lagu abaabulay masjidkaasi.

Burhaan Xassan oo ah wiilka dhawaan lagau dilay Somaliya qoyskiisa ayaa waxa ay sheegeen in qaab JIHAAD ah lagu abaabulay wiilkooda iyo dhalinyaro kale kuwaasoo loogu diray Somaliya in ey ka bar-bar dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Somaliya islamarkaana lala xiriirinayo in ay xiriir dhow la leeyihiin ururka Al-Qacida.

Cabdirisaaq Biixi oo adeer u ah wiilka ay Muqdisho ku dileen kooxda Al-Shabaab ayaa u sheegay taleefishinka 5-News Room in ay bilooyin ku howlanaayeen sidii ay Burhaan dib ugu soo celin lahaayeen Mareykanka balse markii laga warhelay in lagu celinayo Mareykanka lagu khaarajiyay halkaasi.