Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kooxda Al-Shabaab Oo Noqotay Kooxda Ugu Badan Ee Caruurta Xoog Ku Askareysa

Tuesday - June 16, 2009

Sida ku cad Warbixino,Muuqaalo iyo Sawiro laga soo ururiyay dhinacyada ku dagaalamaya Somaliya waxay si bareer ah uga xadgudbeen xeerarka caalamiga ah kadib markii ay carruur ka dhigteen askar u dagaalanta Sida la ogyahayna Xaalad aad u liidata ayay ku sugan yihiin Carruurtaas Soomaaliyed ee da'dooda u dhaxeysa 14 jir ilaa iyo 18 jir kuwaas oo ay qafaalanayaan kooxaha ka mas'uulka ah dagaalada dhiiga badan ku daatay ee ka socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkood

Dhinacyada kala ah Dowladda KMG ah, Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ayaa si bareer ah oo aan gabasho ku jirin u bilaabeen in ay Ciidamadooda ka dhigtaan Caruurta aadka u yar yar ee aan garashada u lahayn waxa uu yahay dilka iyo kufsiga maadama ay aad u yar yar yihiin.

Kooxda Al Shabaab ayaa waxay noqotay kooxda ugu badan ee Carruurta xoog ku askareeya, sidoo kale waxay u adeegsadaan marka ay Carruurta ka dhigayaan Maleeshiyaadkooda Lacago iyo wax ay Somalida u taqaano Tashkiilin ama in Carruurta loo shido Filimaad ka hadlaya Jihaadka iyo filimo kale oo la xariira xabsiyada abu-qariib oo tusaale ahaan uga dhigayaan falalka foosha xun ee mareykanka ku sameynayaan muslimiinta.

Boqolkiiba 75 askarta Shabaab waxay yihiin Carruur da'dooda lagu qiyaasay 14 jir ilaa iyo 19 jir kuwaas oo dhashay wixii ka dambeeyay markii la riday Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre 1991 dii.

Sida ay sheegaan Khubaro Soomaali oo arimaha Shabaabka u dhuundaloola ayaa tilmaamay in hogaanka Shabaabka ay qaadan marka ay Carruurta ka dhiganayaan Maleeshiyaad dhawr Tallaabo oo ay ka mid yihiin:-

1- Mida koowaad ayuu ku sheegay iyagoo kaga faa'ideysanaya Caruurta baahida markaas haysa oo dhinaca Nolosha ah ayay waxay siiyaan Lacago iyo telefoonaadka gacanta lagu qaado markaas oo Carruurto door-bidayaan inay ka mid noqdaan askarta Shabaab.

2- Mida Labaad waxay Shabaabku leeyihiin Koox Carruurta soo tashkiilisa oo waqti badan ku lumaya sidii ay Maskaxda ugu bedeli lahaayeen Carruurta markaas oo dhalinyarada iyagoo indha la qaban lahayn ku biiraya dagaalada iyo Maleeshiyaadka Shabaab.

Muddo haatan laga joogo Labo Toddobaad ayaa Shabaabku waxay Magaalada Muqdisho ku dileen Burhaan Xasan oo haysta dhalashada Mareykanka kaas oo Shabaabku ka mid ahaa Mareykankana ugu yimid Barnaamijka Shabaabku ku iibsadaan Carruurta oo ah Jihaad.

Sida ay sheegayan wararka Burhan ayaa xanuunsaday, kadib waxaa uu telefoonka kula hadlay eheladiisa oo Mareykanka jooga markii uu u sheegay inuu xanuunsan yahay ayay waxay ku yiraahden Nairobi imaw si lagu daaweeyo, balse Saraakiisha Shabaabka ayaa arrintaas ka biya diiday kadibna waxay toogteen Burhan Xasan.

Sidaas darteed ayaa waxaa la aaminsan yahay in Shabaabku xoog ku haystaan Carruur badan oo askartooda ka mid ah.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayay Shabaabku ka soo afduubteen Carruur fara badan iyagoo markaas doonayay in ay xoog kaga dhigaan Caruurtaas Maleeshiyaad hubeysan oo Shabaabka u adeega.

Xisbul Islaam oo Madax u ah Xasan Dahir Aweys ayaa la xaqiijiyay ama la arkay dhawr 100 oo Carruur ah oo ku hubeysan AK47 iyo Bambooyinka Qaraxyada waa weyn dhaliya.

Warbixinada ayaa sheegaya in Xasan Dahir Aweys oo Carruurtiisa qaarkood ku nool yihiin Dalka Masar haystaana Waxbarasho iyo Caafimaad uu si bareer ah Carruur yar yar ka dhigtay Askar, isagoo siiyay Lacago si ay Noloshooda ugu dibiraan.

Dowladda KMG ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Sh Axmed ayaa iyadana ku xadgudubtay xeerka Caalamiga ah ee diidaya in Carruurta askar laga dhigto.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ka mid ah ilaa iyo 450 oo Carruur da'dooda ka hooseysa 19 jir kuwaas oo weliba ka qeyb qaatay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Marka aad eegto Carruurtaas askarta laga dhigtay waxay u badan yihiin kuwa Waalidkooda nool yihiin balse Siyaabo kala duwan looga soo kaxeystay Waalidkooda,qaar lacag ayaa loo adeegsaday qaar kalena xoog ayaa loo adeegsaday halka kuwa kalena si Maskaxyan ah looga dhaadhiciyay in dagaalada socda ay yihiin Jihaad sidaas darteedna ay haddii dhintaan Janada gali doonaan.