Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mareykanka Oo Laga Codsaday Inu Cirka Ka Duqeeyo Sh.Xasan D. Aweys Iyo Xarumaha Al-Qaacida

Wednesday - June 17, 2009

Kambala- Ugaandha: Dalka Mareykanka ayaa loogu baaqay in uu weerar dhinaca cirka ah ku qaado saldhigyo la sheegay in Alqaacidu ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya, iyo gaar ahaan talisyada mucaaradka dawlada ka hawlgalaan oo ay hogaaminayaan Shiikh Daahir Aweys iyo Shiikh Xasan Turkii.

Mr. Niclos Bawakira, ku-qeybsanaha Midowga Afrika dhinaca Arimaha Soomaaliya oo jariidada Daily Monitor ee ka soo baxda dalka Yugaandha u waramayay ayaa sheegay in Midowga Afrikaanka ay hayaan Cadeeymo muujinaya joogitaanka Alqaacidu joogto Soomaaliya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhinaca cirka iyagana laga garaaco .

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaalida u qaabilsan Mr. Niclos Bawakira oo sii hadlayay ayaa cadeeyay in uu jiro dalab ay dawlada Mareykanka kaga dalbadeen fulinta weerar dhinaca cirka ah si buu yiri ay u fududaato xidida siibida Mucaaradka iyo Alqaacidada Soomaaliya gaabad ka dhigatay, hasa yeeshe dhinaca Mareykanka lagama war hayo sida ay u qaateen codsigaas uga yimid madaxda Midawga Afrika walow la tuhunsanyahay in mereykanku badanaa u tixgaliyo dalbyada madaxda Afrika siiba markay arinta lugta la gasho sheekada al-qaacida.