Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhiiga-Fadhiya Shariif Iyo Khuurada Ina CabdiRashid Oo US Ka Careysisay Badalkoodana Ka Sharqamiyey

Friday - June 19, 2009

New York-AdisAbaba- Nairobi: Maalmahaan oo dhan waxaa jira warar la lays la dhex marayo oo si qeexan u tilmaamaya in mudooyinkaan dambe ay shirar is daba jooga ka socdeen cariga Mareykanka iyo meelo ka mid ah geeska Afrika...shirarkaaso sida la sheegayo looga hadlo mustaqbalka Somaaliya siiba dib u doorashada Madaxweyne cusub oo badala Shiikh Shariif iyo raiisal wasaarihiisa Cumar Cabdi-rashiidba oo labadaba lagu tilmaamay wax ma tarayaal.

Sida ay ka dhawaajiyeen shakhsiyaad shirkaas dhacay u dhuundaloola aya sheegay in dipolomasiyiinta u xilsaaran arimaha Soomaaliya ay hungo ku noqotay waxyaabihi laga filaayey Shiikh Shariif oo ahayd inu soo afjaro colaadi daba dheeraatay taaso awoodisi noqotay hal bacaad lagu lisay siiba markii ay ka soo horjeesteen saaxiibadiisi waagii maxaakiimta oo sida la ogyahay ku kala jabay qorshihi UNka ee wakiilka ka ahaa Mr.Axmed Welad Cabdalla oo ku guulaystay inuu daaqda ka saaro madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo xulafadiisii ITOOBIYA taaso Sh.Shariifna u sahashay inuu ku boodo Kursiga madaxtinimada Soomaaliya.

Miskiinimada iyo Abaabul xumida dawlada Shiikh Shariif ayaa dunida ku dhaliyey walaac horleh iyo tabaabushe yagleel cusub oo ay ugu diyaar garoobayaan dawladii iyo madaxweynihii Shiikh hariif bedeli lahaa... Waxay UNka iyo madaxda geeska Afrika bilaabeen la tashiyo ay la sameenayaan siyaasiyiin kala duwan iyo saraakiil hore ciidamadi qalabka sida oo shirweynahooda mar labaad inti hore ka badan la filayo in washintoon lagu qabandoono dhamaadka biisha Julay ee sanadkaan, iyadoo horayna ay sidaas oo kale ula shireen Danjireyaashi Soomaaliya oo ay ku shiriyeen caasimada washintoon.