Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh. Shuceyb Iyo Barnaamijiskiisi Jimcaha" Cudurka Qaaxada-Tuberculosis"

Thursday - June 18, 2009

Fiiro gaar ah: Walaalayaal Waxaan Jimcahaan dib idin ku soo celinay Casharkii Jimcihi hore oo mhimadiisa awgeed Akhristaayaasha naga codsadeen in markale loo soo bandhigo.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim...Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay Allah, Isaga oo ku maneystay adoomadiisa caafimaad ay ku gutaan cibaadadiisa, yaa koobi kara nimcadiisa uu u fidshay adoomadiisa, tan ugu qiimo badan ay tahay caqliga wax lagu garto oo lagaga fogaado xumo oo dhan iyo wixii nafta dhib u keena. Waxaan ku furayaa baraarujinta Jimcahan, magaca Allah iyo saliga suubanaha Maxamed N.N. Korkiisa ha ahaato, wuxuu ku saabsan yahay Cudur la isqaadsiiyo oo Soomaalida aad ugu badan kuna magcawdo Qaaxo ama afka qalaad *Tuberculosis*, Cudurka qaaxada waa mid ka mid ah kuwa sida ba'an la isu qaadsiiyo si sahlana ku faafa, waxa keena noole yar oo ah nooca loo yaqaan Bakteriyada, magaciisa cilmiga ah uu yahay (Mycobacteria Tuberculosis) midka ku dhaca dadka, waxa kaloo jira nooc kale oo ku dhaca xoolaha marar dhif ahna asiiba dadka oo lagu magcaabo (Mycobacteria Bovis).
Qeybta ugu badan ee jirka ka mid ah ee qaaxadu haleesho waa Sambabka, hase ahaatee jirka kale meelo badan oo ka mid ah wuu ku dhacaa cudurkan sida: Qanjirada, Lafaha, Uurgalka, Wadnaha, Kelyaha, Kaadimareenka, iyo Maskaxda. Waxa lagu gartaa bukaanka uu ku dhoco cudurkan, iyagoo ka sheegta xanuun guud oo jirka ka saameeya, daal, qandho, culeyska jirka oo hoos u dhaca, iyo dhidid fara badan habeenkii marka uu hurdo. Marka cudurku haleelo Sambabka waxa lagu arkaa bukaanka qufac fara badan oo ay la socoto malax iyo dhiig casaan xigeen ah. Marka bukaanka cudurkan ka haleelo Qanjirada jirka gaar ahaan kuwa luqunta waxa dhacda iney qanjirada bararaan ama malax yeeshaan, nooc ka mid ah cudurkan oo aad halis u ah waa midka ku dhaca Maskaxda (Tuberculos Meningitis) oo u badan caruurta. Marka uu haleelo cudurkan Kaadimareenka waxa bukaanka lagu arkaa, kaadida oo gubta xanuun ku qabata ama ay soo raacdo dhiig. Sidoo kale hadii bukaanka cudurka ka haleelo lafaha,  waxa isbedela qaabkooda ama waxa ay yeeshaan malax (Osteomyelitis). 
Waxa xusid mudan in wadamada saboolka ah ama loo yaqaan kuwa soo koraya cudurkan aad ugu badan yahay gaar ahaan Haweenka oo uu ka haleelo qeybaha ku shaqo leh Dhalmada (Uterus, Tubes, and Ovaries), midaa oo qeyb weyn ka qaadata sababna u noqota in dumar fara badan gabaan dhalmada caruurta ama ku reebta hurgun mudo dheer socda ugu dambeynta xira mareenka Ukunta dumarka (Fallopian Tubes). Marka lagu arko cudurkan haweenka ilamaha nuujinaya ee aan horay loo tilaalin, waxa loo baahan yahay in la hubiyo iney qufac ledahay iyo in candhuufta la socdo noolaha Qaaxada keena, si looga baaraan dego waxtarka naasnuujinta iyo khatarta uga iman karta ilmaha la nuujinayo oo ay dhici karto iney qaadsiiso cudurka.