Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Komandoska Lugta AMISOM Oo Si Buuxda Mulaca Shabaabka U Gilgili-doona Si Ay Qoobka U Rogaan Iyo...

Sunday - June 21, 2009

Saraakiisha Komandooska Lugta Ee AMISOM Ayaa Qorsheynaya dagal laysku Qiro Beelo Oo Mulaca Al-Shabaabka Lagu Gilgiliyo Iyo Ethiopia Oo Diiday Iney dib u gasho Soomaaliya haddi Aan Looga Sacab Tumin Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay.

Ethiopia waa diidy codsi uga yimid dowladda KMG Soomaaliya kaasoo ahaa in Ciidamo wadamada dariska ah ay u soo diraan Soomaaliya si ay uga hortagaan dawlada Shiikh Shariif Ee jarka ka laalaada.

Afhayeenka dowladda Ethiopia Barkat Simon ayaa waxaa uu u sheegay Wakaaladda wararka AFP in Ethiopia aanu fara galin ku samaynayn dalka Soomaaliya iyadoo garab is taagaysa dowladda KMG Soomaaliya hadii aan la helin go’aan ka soo baxa beesha caalamka "UNka" oo arintaasi u fasaxaya dowladda Ethiopia. Isagoo ka jawaabayay codsigii maalintii shalay uu jeediyay gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Aadan Max’ed Nuur Madobe oo ku saabsana in wdamada dariska 24-saac gudahood ay ciidamo ugu soo diraan gudaha wadanka Soomaaliya si ay u bad baadiyaan dowladda KMG Soomaaliya ayaa Barkat Simon waxaa uu sheegay in arimah gudaha ee dalka Soomaaliya fara galin Ethiopia ay ku samayso ay ku xirnaan-doonto in fasax iyo Qaraar Caalami ah laga helo dhinaca beesha caalamka.

Mr.Barakat Simon waxaa uu sheegay in baaqaasi aanu aheeyn mid ku wajahan wadamada dariska ah oo kali ah balse uu yahay mid ku wajahan Beesha Caalamka oo dhan sidaa darteedna loo baahanyahay in fasaxa buuxa ay ka bixiso beesha caalamka taasoo lagu bad baadinayo dowladda KMG Soomaaliya.

Raga Siyaasadaha Indha-indheeya ayaa ku tilmaamay in fasax Ethiopia ay ka dooneyso beesha caalmka ay tahay mashaqo weyn iyo xeelad ay ku xalaaleysaneyso iney dalka Soomaaliya galiso Daro guumeysi cusub oo sharciyeysan... Mels Iyo Afawarqe waa No Tashadeen... Gob Daciiftay Waa La Arki Jiray... Gunse Waa Liide