Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Obama Wixi Guul Iyo Xoog U Dunida Guudkeeda Ku Lahaa Oo Maanta Ku Tijaabiyey .......

Monday - June 22, 2009

Washinton: Dul aan waxba galabsan oo gawda lagu hayo waa godob iyo dacwad aan hareyn....Hay`ad u dooda xuquuqda xaywaanada oo lagu magacaabo (Beyta) ayaa caro xoogan ka muujisay talaabdii gardarada uu madaxweyne Obama ku dilay Diqsi xilli uu isku dayay in uu iska cayriyo waqtigasi oo Diqsiga ku ag meereysanayay wajiga madaxweyne Obama oo ay dhicikartay inu gaajeysnaa oo mufa-mufa iyo qoyaan u doonaayey si u ugu noolaado...waqtigaasna wxay ahayd barnamaij wareysi Live ah Tv-ga u ka bixinayay .

Fariin qoraleed carro xanbaarsan ayay hay`add u dirtay Obama taasi oo ay ku muujinayeen in ay la bar bar taagan yihiin xaywaanada xasharaadka hiil iyo xaquuqdooda oo ay udoodaan waxayna warkooda intaa raciyeen in madaxweyne Obamana sidaa laga doonayay oo u qayb ka qaato xuquuqda xasharaadka .