Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wiilkii Shabaabka Isku Qarxiyey Baladweyne Oo Faafaahin Dheeraada Laga Helay

Tuesday - June 23, 2009

Mogdisho-Washinton: warar laga soo xigtay ilo loo qaateen ah ayaa cadeeyey in wiilki dhalinyarada isku maqiiqay qarxi Baladweyne Maxamed Deerow "Zubeyr" uu markiisi hore lagu soo carbiyey "Tashkiiliyey" Kampka askareynta ku yaala meel u dhaxeysa Diinsoor iyo Qansax-dheere oo halkaas ila Sadex sano u ka mid ahaa ardada xaruntaas ku qaadaneysey casharo loogu qaybsiinaayo Aayadaha u badan darajada qurqurada nicmada janada Shahiidku fuuqsado iyo baryada allow naar ha nagu daadinta.

Sida la cadeeyey Maxamed Deerow waxuu dhawr bilood ku diyaargareysnaa magaalada Mogdisho oo loogu tala galay inu isku qarxiyo Madaxweyne Shiikh Shariif hasa ahaate amniga ku xeendaabnaa awgiis waa u ka quustay inu falkii u damacsanaa ka fuliyo Mogdisho, sidaa daraadeed qorshihii wiilkaas waxaa laba casho ka hor intusan is qarxin loo leexiyey baladweyne oo ugu dambeynti u halkaas ku qaraxay isagoo galaaftay dad aan yareyn oo u ku jiro wasiir Cumar Xaashi iyo danjire Laqanyo.

Mar Adeege"Agent" qarsoon oo laga xigto arimaha alshabaab ayaa la su'aalay in dhalinyarada is qarxisa ay yihiin kuwa xaaladooda sakhraansan ama doorsoon waqtiga ay is qarxinayaan waxuu ku jawaabay ineysan ahayn dhuuni-raacayaal iyo dhalinyaro daroogada ku doorsama balse sheekada ay la gashay hilaaca janada iyo mashxarada Gabdhaha Xuuri-Ceynta aakhiro, waxuuna intaa ku daray in ay jiraan kuwa badan oo jiriiriqsanaya ilmadana ka gobo'leedahay jacel shahiidnimo awgeed... waana wada muxaafid Qur'aan inkasto sharaxa iyo fahamka loogu jeheeyo falsafada iyo aragtida kuwa Aayahooda ka arimiya oo ka casheeya Toora-Boorada Afgaanistaan.