Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Soomaaliland Oo Diiday Iney Ka Qaybgasho Shirka USA- Washinton... Xigasho Hadhwanaag

Wednesday - June 24, 2009

Washington-(BNN/HWN)-Labada gole ee ugu awoodda badan dalka maraykanka ee loo yaqaano Congress-ka waa Senateka iyo golaha Congresska ayaa ku martiqaaday dood ka dhici doonta xarunta golaha congresska ee dalka maraykanka magaalada Washington inay kasoo qayb galaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wasiirka gaashandhiga ee dalka Yugandha Dr. Crispus Kiyonga, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda ku meel gaadhka ah Maxamed Cabdilaahi Oomar.

Warbixintani markii ay soo baxday ayaa Dowlada Somaliland Jawaab ka bixisey arintasi taaso ay dowlada Somaliland ay ka cudur daratay inaanay kulankaasi kazoo qaybgali doonin lagu marti qaaday Kooxaha kataliya Somalia sida Maamul Goboleedka Puntland iyo Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliya.