Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadilat AL-Digtoor Sh.Shuceyb Iyo Safarkisi Xaramka Barekeysan Ee Zam-Zamka Qabow Ka Soo Duulaan

Thursday - June 25, 2009

Baraarujinta jimcahan waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga subanaha N.N.K. ha ahaato aniga oo kaga hadlayaa safar aan ku tegay Makkah si aan u guto cumro usbuucii hore dhamaadkiisa, safarkeyga wuxuu bilowday malintii Arbacada, markaan ka raacay aqalkeyga Taxi aan ku tegay goobta laga raaco basaska halkaa oo ballanku ahaa, waxaan la yaabay markuu igu yiri ninkii magacyada qorayay waxa lagaa doonayaa 90 riyal oo u dhigma wax ka yar 25 US dollar ah, kharashka baska siisocod, soonoqod iyo hoteelka, ma'sha'Allah, nimco badanaa baan uurka iska iri aniga oo xusuustay in dad badan oo ila mid ah marka ay damcaan iney soo booqdaan beytka Allah, kharash ka farabadan ugu kaco safarkooda, iyada oo ay u dheertahay dhibka ay ka marayaan visada si ay usoo galaan Dalka Saudi Arabia.

Markii aan gaaray goobtii aan ku socday oo aan raacnay basaskii naloogu talagalay waxaan kaloo xusuustay in safarkan u muuqaal egyahay midka aakhiro qofku ugu koco marka uu geeriyoodo, waxaan ka tegay aqalkeygii iyo reerkeygii iyo wixii hanti ah oo aan lahaa, jid dheer baan sii maray aniga oo keligey ah, waxaan xirtay labo go' oo cadcad sida kafanta, dadkii safarka ila galay markii la wada qaatay dharkii Ixraamka waa la kala garan waayay oo markii hore waxa la isugu jiray mid xoolo leh iyo mid faqiir ah, mid yar iyo mid weyn, mid tabar daran iyo mid xoog leh, mid buka iyo mid caafimaad qaba midaa oo u ekeyd sida la ahaanayo maalinta qiyaamo, midaa waxa sii dheeraa kuleylka cadceeda iyo xaraarada oo gaartay 48 darajo ku dhawaad, midaa oo i xasuusisay markale sida axaadiista sheegtay in maalinta qiyaamo qoraxda ay Allah soo dhaweynayo oo dadka dhididkooda qofba meel usoo gaarayo qaar ka mid ahna ay ku hafanayaan, dunida inta la joogo meel aad ka harsato baad heli hase ahaatee maalintaa har ma jiro aan aheyn midka Allah, waxaa harsanaya todobadii subanaha noo tilmaamay N.N. K. ha ahaato, Allow kuwaa naga mid yeel.

Waxaan sii socono, jidku dheeraa 1000 km iyo siyaado, ugu dambeyntii waxaan gaarnay miiqaadka (Sayl al Kabir) oo Dhaif ku dow, halkaa oo aan ka lebistay ixraamkii niyadii Cumrada ka galay, Waxaan masjidka Miqadka ku tukanay Salaadii Fajar kadibna baskii markale wuxuu u dhaqaaqay dhanka Makkah, saacad wax ka yar ka dib waxaan gaarnay Makkah, inaga oo ku hormarnay hoteelkii aan ku degi laheyn, markii aan qaatay furihii qolkii la iigu tala galay waxaan durba tegay qolkii, aniga oo aad ugu xiiso qaba inaan tago Xaramka, waxaan iska dhigay shandadii aan watay, isla markiiba waan weyseysta markaa kadib waxaan u kacay Xaramka si aan u guto Cimradii aan doonayay.

Sida aad maqasheen mudo ku dhow labo sano agagaarka Xaramka waxa ka socda dhismo aad u weyn oo lagu balaarinayo, midaa oo kordhisay dhibka laga marayo inta aad usii socoto Xaramka gaar ahaan dhanka xiga Albaabka loo yaqaan (Baabul Fatx). Inkastoo tiro aan la koobi karin Cumro u tegay Xaramka 12kii sano ee lasoo dhaafay iyo inbadan oo ka horeysay hadana markasta waxa kugusii kordhaya xiisaha aad u qabto inaad ku laabato markale, qofkii tegay baa shucurtaa dareemaya, adiga oo noqonaya sidii ay tahay markii ugu horeysay oo aad tagto Xaramka, waxaa iigu yaab badneyd marka aan arkay bilicda iyo heybada Allah u yeelay Xaramka barakeysan waxaan xusustay ayadaha kariimka ah ee nebi Ibrahin N.N. korkiisa ha ahaato uu ugu duceeyay dalkan barakeysan iyo inta Allah aaminta, waxaan markale dib u xusuustay sida ay u macaan tahay nadada adiga oo aan ka baqeyn Allah mooyee, iyo fowdada Dagaal iyo belada ka taagan dalkeeni Hooyo, waxaan Allah ka baryay inuu kusoo cesho nabadii horay uga jirtay iyo inuu u naxariisto inta tabaaleysan ee la isugu daray dilka, qaxa iyo cabsida iyaga oo aan wax galabsan.

Fadliga Allah, waxey igu qaadatay saacad iyo bar si aan u dhameystiro waajibkii Cumrada ee la iga doonayay, Intii aan dawaafka ku jiray iyo Sacyiga waan duceystay sidoo kale waxaan u duceeyay intii i fartay inaan ugasoo duceeyo Xaramka, waxaan Allah ka baryay in markale ii sahlo oo ii fududeeyo inaan ku soo laabto beydkiisa aniga oo caafimaad qaba, sidoo kale waxaan ka baryay inuu dembigeyga iyo midka waalidkey dhaafo, aqalkeyga iyo reerkeyga nabad aniga oo qaba igu cesho igana xijaabo dhibka iyo belada jidka dheer ee i sugaya si aan ugu laabto Riyadh oo aan ka tegay.