Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xubnaha Tob-ka Sare Ee Ururka Xisbul Islaam Oo Is Haya...Oday Aweys Oo Ka Gubtay Kuwa Qarax Geystay

Friday - June 26, 2009

Mogadisho: Xubnaha Sar-sare Ururka Xisbul Islaam ee ka mid ah kooxaha dhirbaaxyada ku haya Dowladda KMG ayaa qarka u saaran inay labo garab u kala jabaan...kadib markii uu soo kala dhex galay huruuf iyo is-maandhaafkii ugu xooganaa ee abid soo dhex gala Mas'uuliyiinta.

Sida ay baahisay Tv-ga Afka dheer ee Al-Jazeera qeybteeda afka Carabiga Saraakiisha sar-sare ee Xisbul Islaam ayaa ah kuwo ku kala qeybsan qaababka kala duwan ee lagula dagaalamayo Dowladda KMG.

Wararka ayaa sheegaya in Ururkan oo uu hogaamiyo Sheekh Xasan Dahir ay qaarkood dhaliilsan yihiin weerarada is-miidaaminta ee ay adeegsadaan Ururka Alshabaab, kaasoo Xubno uu ugu horeeyo Xasan Dahir ay aad uga soo horjeedaan, waxaana tani ay ka dambeysay markii uu wadaadkaas Shiikh Aweys todobaadkii hore uu cod hoose uga hadlay qaraxii is-miidaaminta ee lala eegtay Wasiirkii Amniga kuna tilmaamay in haddi sida qaarkood laysu Qasho... dad aan wax galabsana dhaafi weyno sida culimadi ku dhimatay goobtaas iney keeni-karto qoomamo.