Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Afawarqi: Obama Hubka U Geeyey Soomaaliya Oo Si Kordhinaaya Shaqaaqada Ka Jirta Geyigaas

Monday - June 29, 2009

Asmara: Dowlada Eritrea ayaa si kulul u cambaaraysay maamulka madaxweyne Obama,Hubkii Uu Siiyey Dowlada Sheekh Shariifka... Dowlada Eritrea ayaa ku eedaysay dalka maraykanka inuu sii dheeraynayo dhibaatada mudada badan ay ku jireen shacabka soomaaliyeed.iyadoo cambaareysey talaabadii Washington saanada milatari ku siisay dowlada la kicila dagaalada ay ku hayaan xoogaga mucaaradka.

Dowlada Asmara waxay sheegtay in maraykanku noqday xudunta xasilooni darada ka jirta Soomaaliya iyadoo nasiibdaro ku tilmaantay hubka iyo rasaasta dhawaan maraykanku siiyey dowlada shariifku madaxda ka yahay taasoo ay ku sheegtay inay sii balaarinayso shaqaaqada ka aloosan koonfurta Soomaaliya sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalka Eritrea.

Dowlada asmara waxay intaasi ku dartay in caalamku fahmo inuu maraykanku yahay kan qasaya xaalada soomaaliya mudo farabadana gacmaha kula jiray arimaha soomaaliya ayadoo talabadaasina maraykanku hubka ku siiyey kooxda uu madaxda uyahay shiikh shariif ku sheegtay murugo xoog badan maadaama hub la isugu dhiibayo dad horay dagaaladu udaashadeen waxayna ugu baaqday aduunka in wixii uu hubkaasi khasaare gaarsiiyo shacabka soomaalida uu maraykanku qaadan doono.