Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Culimadi Sayniska Talyaaniga Ee Jaamacada Pavia Oo Qu'raanka Ka Helay Mucjiso La Yaab Leh

Tuesday - June 30, 2009

Saynisyahano Talyaani ah oo ka tirsan jaamacada University of Pavia daah furay mucjiso la yaab leh oo ay ku arkeen quraanka kariimka oo ah in dhagaysiga Qur'aaka kariimka ahi ay saamayn ku yeelato xakamaynta kor u kaca ku yimaada cadaadiska dhiigga.

Natiijadii ka dhalatay baaritaankoodan oo lagu daabacay todobaadkan wargayska magaciisa la yidhaahdo Journal of the American Heart Association ayaa iftiimisay in dhagaysiga aayadaha quraanka kariimka ahi ay aad hoos ugu dhigto dhiig karka iyo cudurada kale ee ku dhaca wadnaha iyada oo qofka dhagaysta quraanku uu helo daganaansho hor leh iyo nasasho raaxaysi leh taas oo door muhiim ah ka qaadata in uu qofku ka badbaado in cadaadiska dhiiggiisu uu kor u kaco isla markaana ay yaraato khatarta ah in uu qofkaa asiibo wadne xanuun.

Professor Luciano Bernardi,oo ah madaxa kooxdan daraasada samaysay ayaa ku dooday in aan sinaba loo dafiri karayn saamaynta uu dhagaysiga quraanku ku yeesho caafimaadka jireed iyo maskaxeed ee dadka waxaanu yiri "Wxaanu baaritaan ku samaynay dad gaadhaya 451 qof oo isugu jira dad diimo kala duwa aaminsan waxaana noo cadaatay in dadka muslinka ah ee caadaystay dhagaysiga quraanku aanay la mid ahayn kuwa kale marka loo eego cudurada ku dhaca wadnaha iyo dhiig karka ,sidoo kale waxaanu ogaanay in dadkaa muslinka ah ay aad ugu yar yihiin wadne istaagu".