Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sacuudiga Oo U Baaqay Dawladaha Khaliijka Isagoo Ka Digaya Burcadeeda Soomaalida

Wednesday - July 1, 2009

Dowladda Sacuudi Arabiya oo Ugu Baaqday Wadamada Qaliijka Inay Iska Kaashadaan La Dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.
 

Dowladda Sacuudi Arabiya ayaa waxaa ay ugu baaqday Wadamada Qaliijka in ay iska Kaashadaan la dagaalanka kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee qafaalanaya Maraakiibta Carbeed iyo kuwa Aduunka.

kulan looga hadlayay arintaasi oo ka dhacay Magaalada Riyaad ee Xarunta wadanka Sacuudi Carabiya ayaa wadamadii ka qeyb galiyay waxaa ay isku raaceen in la aas aaso ciidamo wada jir ah oo ay yeeshaan wadamada Ku dhirirsan Badda Cas iyo kuwa Qaliijka si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ee Afduubta Maraakiibta Ganacsiga ee reer Carbeed.

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa furitaankii kulankaasi waxaa ay ku baaqday in la mideeyo dhamaanba ciidamada dhinaca badda gaar ahaan kuwa loogu talagalay la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ee ay leeyihiin wadamada Carbeed si ay ugu hortagaan Falalka kooxahaasi ay maraakiibta ugu Afduubanayaan.

Taliyaha Ciidamada Badda ee wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ninka Lagu Magacaabo Amiir Fahad bin Cabdala ayaa waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in wadamada kulankaasi ka qeyb galay dadaaladooda ay ka soo baxaan Talaabooyin wax ku ool ah oo lagu yeraynayo Falalka Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya.

Hadal uu ka jeediyay kulankaasi ayuu ku sheegay in dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay aad uga walaacsantahay Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo fowdada wali ka sii soconaysa dalka Soomaaliya isagoo sheegay in dowladda Sacuudi aanay waxba ula hari doonin sidii loo dhameyn lahaa dhibaatada ka taagan gudaha Wadanka Soomaaliya.

Amiir Fahad Bin Cabdala waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Boqortooyada Saciidi Carabiya ay u aragto falalka burcad badeeda nuuc ka mid ah fal dambiyeedyada isagoo sheegay in ay kala jarayaan halbowlaha ganacsiga Caalamka.

Dhinaca kale Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Wadanka Sacuudi oo kulankasi ka qeyb galay ayaa tilmaamay in 2-dii bishii labaad ee sanadkaan laga soo bilaabo wadanka Jabuuti uu xoojiyay ciidamadiisa dhanka Badda sida ay uga hortagaan falalka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya.