Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dilkii Dhacay Iyo Diifti Kala Gaartay Falki Dagaal Ay Sameeyeen Shalay Biiqyadi Ku Nishaab-bartay...

Wednesday - July 1, 2009

Dilkii Dhacay Iyo Diifti Kala Gaartay falki Dagaal Ay Sameeyeen Shalay Biiqyadii Ku Nishaab-Bartay Hooyooyinka Caruurtiina Agoonteeyey irdihi Gargaarkana Ood ka saaray oo Khasaarahoodi Xog Laga Helay. 

Muqdisho: Dagaalo culus Iyo madaafiic ayaa markale shalay galabti dib uga bilowday xaafado Ka tirsan degmadda Karaan Ee waqooyiga magalada Muqdisho... Dagaalkasi oo dhaliyey khasaare Isugu Jira dhimasho Iyo dhaawac ay ka Soo gaareen dadka rayidka Ah siiba hooyooyin maato ah oo gooba badan oo xafadaha dagaalka ka socdaan ku go'doonsan

Hadaba dagaaladani bilowday shalay galab ayaa waxa Uu u dhaxeyey ciidamadda Kmg iyo xoogaga mucaaradka ah Ee ka soo horjeeda ... Dagaalkaasi Oo sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan Oo soo gaaray dadka Shacabka ah Ee ku nool magaallada muqdisho gaar ahaan xaafadddaha Kaaraan Iyo qeybo badan oo ka tirsan degmadda Yaaqshiid

Dagaalka waxa bar bar soday madaafiic culculus oo argagax iyo cabsi leh, kasoo ka Imanayey qeybaha dagaalka Uu u dhaxeyey kuwaasi Oo saameyn xoogan ku yeeshay dhaliyeyna khasaare badan oo gaartay dadka rayidka ah... Dagaaladan madaafiicda sida arxan darada ah Ee ka dhacay magalada waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyey 15 Ruux Oo rayid ah una badan dumar iyo caruur, ayna ku dhaawacmeen tiro Intaa ka badan oo gaareysa 40 qofood oo dadka Shacabka ah waa sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaaladan oo ahaa kuwo qorsheysan o si garbo siman ay hal Mar uga bilowday isgoyeska Sanca ilaa degaanka Mariinaayo Ee xaafadda Kaaraan ayaa waxaa ka dhacay dagaal aad u culus oo saacdo socday dhaliyeyna khasaare badan oo soo gaaray dad Rayid ah...ciidamadda had iyo jeer ku dagalama magalada Ee dhanacyadda Dowlaadda Kmg Iyo Kooxaha Mucaaradka ayaa inta badan meelaha ay ku dagaalamaan ee dadka Shacabka ah ay degan yihiin tasoo dhibaato dhamasho, dhaawac iyo barakacba u keena dadka Rayidka ah mana jirto ilaa iyo hada cid dgaaladani ka keenta guul iyagoo markasto oo ay dagaalman isku hor fadhiya halka ay u dagalaman, balse goorkasta ay dhibaatadda ugu weyn ay soo gaarto dadka Shacabka ah Ee aan maxasta u dadan.