Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Casharkisi Jimce Nagu Xasuusinaya "Dardaarankii Suubanaha NNK"

Thursday - July 9, 2009

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga suubanaha NNK ha ahaato Baraarujinta Jimcahan waxaan door biday inaan isku xusuusino dhowr ka mid ah dardaarankii Suubanaha NNK ha ahaato uu uga tegay umadiisa. Geeridii Subanaha NNK ha ahaato, ka hor waxa soo degay qowlkii Allah:  Maanta waxaan idiin dhameystiray diintiina, nimcadeydana korkiina baan ka yeelay, islaamkana diinahaan raali baan idinka noqday. Markuu maqlay Ayadan Abuubakar, Allah raali ha ka noqdee, wuu ooyay Waxaa lagu yiri: maxa kaa oohiyay Abuubakarow, waa aayad la mid ah aayadaha kale ee Allah kusoo dejiyaya rasuulkiisa ًWuxuu ugu Jawaabay Tani waxa ay tilmaantay geerida Subanaha NNK ha ahaato Sagaal maalmood ka hor gerida Suubanaha waxa kaloo soo degtay Aayadan oo aheyd tii ugu dambeysay Quraanka kariimka ah:  *Ka Cabsada maalin aad u laabaneysaan Allah, markaana naf waliba wixii ay kasbatay laga Abaal marinayo*

Markaa ka dib waxa bilowday in xanuunku ka muuqdo Suubanaha NNK ha ahaato, wuxuu yiri:

waxaan doonayaa inaan soo booqdo Shuhadada UXUD Wuxuu tegay oo dul istaagay qubuurtii Shuhadaada UXUD, wuxuu ku yiri Salaan korkiina ha ahaato shuhadaadii Uxud idinka waad naga hormarteen hadii Allah idmana inaguna waan idinku soo raad jirnaa, Anigana hadii Allah raali ka noqdo raadkiina baan kusoo taagnahay. Intii Suubanaha uu ka soo socday qubuurta Shuhadaada Uxud wuu Ilmeeyay Suubanaha NNK ha ahaato, waxey weydiiyeen Asxaabtiisa rasuulkii Allow maxaa kaa ilmeysiiyay, Wuxuu ugu Jawaabay waxaan u xiisay Walaalahey, Asxaabadu waxey weydiiyeen Suubanaha miyeynan aheyn inaga walaalahaa, wuxuu ugu jawaabay rasuulka Allah, Maya idinku waxaad tihiin Asxaabteyda, hase yeeshee walaalahey waa Qoon imanaya idinka ka dib oo iyagoon I arkin I rumeeynaya, Allow naga yeel kuwa noqda Walaalahii oo uu tilmaamay Suubanaha NNK ha ahaato, sharaf iyo magac ka weyn midkaa miyaa jira.

Markaa ka dib Suubanaha geeridiisii saddex maalmood ka hor xanuunkii baa aad ugu soo siyaaday wuxuuna ku sugnaa Aqalka Sayidah Maymuuna, waxuu dalbay in lasoo kulmiyo haweenkiisa, markii ay isu yimaadeen wuxuu ka dalbaday iney u ogolaadaan inuu ku xanuunsado aqalka Sayida Aisha, sidii ay u dhamaayeen way u ogolaadeen, markaa ka dib wuxuu doonay inuu sare u kaco laakin wuu awoodi waayay, waxa markaa yimi Cali bin Abi Dhalib Iyo Fadl Bin Al Cabaas, Allah raali ha ka noqdee, way qaadeen Suubanaha NNK ha ahaato waxey ka soo Saareen Qolkii Sayida Maymuuna oo Ay u dhigeen Qolkii Sayida Caisha Allah gidigood raali ha ka noqdee,  bal isu barbar dhig maanta qasriyada ay ku nool yihiin kuwa sheegta iney dowladaha ka jira aduunka ka taliyaan iyo Aqalka uu ku noolaa Rasuulka Allah, waa wax noogu filan in lagu waan toobo oo aan la daba ordin Aduun maxaa yeelay wax waara maahan, waxa keli ah oo ku raaca waa camal wanaagsan oo aad hormarsataa.

Waxa ay Aheyd markii ugu horeysay ee saxaabada ay Suubanaha ku arkaan xaal la mid ah sidan, markiiba waxey isweydiiyeen oo isla dhex ordeen maxaa helay Rasuulkii Allah, maxaa helay rasuulkii Allah????


Umadii oo idil baa kusoo kulantay Masjidka suubanaha, way buux dhaafeen, waxaa si ba'an uga soo daatay Dhidid Suubanaha NNK ha ahaato, markii ay aragtay Sayida Caisha sida daran oo Suubanaha Dhididka uga soo daadanayo waxa ay tiri weligey ma arag qof sidaan oo kale dhidid uga soo daato, waxaan sameyyay intaan qabto gacanta suubanaha baan wejigiisa ku tirtirayay maxaa yeelay gacanta suubanaha aad bay uga karaamo badan tahay mideyda, markaa kadib waxaan maglayay Suubanah oo leh, Ilaah aan Allah aheyn ma jiro, Geeridu Sakaraad bey leedahay, markaa waxa ku batay hadalkii masjidka bay tiri sayida Caisha iyaga oo muujinaya naxariis dhanka Suubanaha iyo xaalada uu ku sugan yahay, markaa buu weydiiyay rasuulka Allah waa maxay waxan, waxa loogu jawaabay suubanihii Allow adigey kuu baqayaan, wuxuu markaa dalbay in loo qaado dhankooda wuxuu damcay inuu istaago wuuse awoodi waayay, markaa ka dib waxa lagu shubay biyo todobo goor, markii uu soo miirsadayna waxa loo dhigay dhankii manbarkii wuxuuna u jeedshay khudbadii ugu dambeysay, wuxuuna ku bilaabay isaga oo yiri: waxaad moodaa inaad ii baqeysaan, waxey saxaabada ku jawaabeen waa sidaa rasuulkii Allow, wuxuu markaa ka dib yiri: dadyahow ballanteena ma aha dunidan aan joogno ee ballanteena waa Al Xowdh, Allah ku dhaartay waxa ay ilatahay inaan ka arkayo meeshan aan taagnahay, waxa lagu sheegay webi biyihiisu ka cadyihiin Caanaha, kana macaan malabka kana udgoon miskiga, qofkii ka caba dib dambe uma Haraado, Allow naga yeel kuwa ka Caba oo aan dib dambe haraad u qaban.

Markaa ka dib wuxuu suubanaha ku yiri asxaabtiisa idiinka baqi mayo faqri hase yeeshee waxaan idiinka baqayaa inaad ku tartantaan aduunyo sidii ay ugu tartameen kuwii idinka horeeyay markaa kadibna ay idin halaagto, markaa ka dib waxa uu yiri: dadyahow, Salaada oo uu ku celcelshay, wuxuu markaa kula  dardaarmay umadiisa in haweenka loo naxariisto oo Allah looga baqo wanaagna lagula dhaqmo, wuxuu hadalkiisii kusoo af jaray dadyaho Adoon Allah baa lakala doorsiiyay Aduunka iyo wixii jira Allah agtiisa, wuxuuna doortay wixii Allah agtiisa Jira.

Asxaabta ma garan hadalkaa hase yeeshee Abuubakar raali Allah ha ka noqdo baa markiiba gartay oo aad u ooyay.