Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Boqolaal Muhaajiriin Soomaali U badan Waxay Qatooyo Daris Ahaadaanba Oo Aakhirto La Siyey Deganaasho

Friday - July 10, 2009

Malta- Boqolaal Muhaajariin ah oo Soomaali u badan Kuna xayirnaa in mudo ah Dalka Malta ayaa ugu dambeyn waxay ka dhoofeen Dalka Malta iyagoo u amba baxay Dalka Faransiiska oo ay ka heleen marxabeeysiin iyo qaabilaad... Ninba kadabkii loo qoray ilaah waa la kulansiin...waraabihi ruqayey iyo Aarkii raamsanayey alle waa uga raayey... Eeba ayaa ah qaybshaha kibista. 

Muhaajiriintaas oo dalalkooda uga soo cararay dagaalo sokeeye iyo shaqo la,aan waxay badankood u dhasheen dalka Somalia waxaase weheliya kuwa iyana ka soo qaxay suudaan , Eritrea, Côte d'Ivoire iyo Sri Lanka kuwaas ahaa kuwo dhamaantood naf la caari tahriib ku tegay Dalka Malta. dabadeedna mudo markii ay halkaas ku silceen ayaa Dowladda Malta ka codsatay Dowladda Faransiiska in ay culeyska Muhaajiriinta la qeybsato.

Inkastoo ay Dowladda Faransiiska aqbashay dalabkaas haddana wuxuu Safiirka Faransiiska u fadhiya Malta uu sheegay in aysan Dowladda Faransiiska kaligeed qaadi karin culeyskaas, wuxuuna farta ku fiiqay in ay doonayaan in ay dalalka Midowga Yurub oo dhan ay culeyskaas Shidadiisa wax ka samata bixiyaan.