Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Warar Dheeraada Oo Laga Helay Jamaal Shiikh Aweys Baana Iyo Farshaxan Amiin Caamir Oo Ka Digay In...

Sunday - July 12, 2009

Muqdisho: Reer Baana waa qoys caan ku ah Soomaaliya oo deegaankoodu ahaa xamar-weyne waxayna ka koobnaayeen dhawr walaallo ah oo faracooda ku kala baahasanyahay Zansibaar iyo Saaxilka kenya gaar ahaan Magaalooyinka laamu iyo Mombaasa ...sida la sheegayna asalkooda waxay ku abtirsadaan Cumaanin hasa-ahate isirkoodi hore waxaa lagu sheegaa iney ka soo jeedaan  Iraaniyiin... waase maanta dad soomaali oo awooye ka awoowe ku dhaqnaa soomaaliya

Wararka gaarka oo ka soo baxay wiilkaas Jamaal Shiikh Aweys Shiikh Baana sida u ku dhintay... waxaa la leeyahay wiilka intusan dhiman waxaa u qorsheysnaa inu isu dhiibo saraakiil ciidamada oo uu ku ogaa goob ay ku sugnaayeen, dabadeedna isagoo sidi Aar soo dibjiray dhabada seegin wax salabna sidan, khalkhalsan ayuu isku soo dhex tuuray goobti hasa-ahaate Sarkaal qaadireysanaa goobtana ku sugnaa ayaa la haleelay xabad oo dhafoorka uga dhuftay isagoo malaha moodahayey inu isku dhex qarxinaayo, laakiin wiilka intaan la dilin waa hadlay ayaa la leeyahay oo waxuu yiri  "please gacal ii badbaadiya" waana ashahaatay... Kadib markiiba saraakiishi goobta waxay meydkii wiilka ula carareen xaga iyo Villa Soomaaliya ee u ku suganyahay Madaxweynaha iyo golihiisa   waxayna madaxdi halkaas joogtay ay is tuseen in ay tahay fursad qaali ah oo ay caalamka uga gataan cadeyntaan in shisheeye ka dagaalamayo gudaha Soomaaliya... waxaase jira oo warku intaa ku daraya in wasiir goobta joogay u gartay in wiilkaas u leeyahay astaama dhiiga reer xamar-weyne ma daama wasiirkaas u ahaa nin bulshada Xamar-weyne aqoon dheeri u lahaa laakiin hadalkiisa lama yeelin waayo waxaa  la doonaayey in sheekada caalamka laga gado... Waxaa kalo xusid mudan in farshaxan Amiin Caamir u carabka ku dhuftay kana digay in ay jirto cabsi laga qabo in dadka cad cad ee ku nool Xamar-Weyne Marka iyo Baravo la ugaarsado oo laga dhigto dad Ajnabi ah oo lagu dilay goobaha dagaalka oo halkaas guul daro iyo hoog uga timaado dawlada Shiikh Shariif haddi aan war cad iyo digniin madaxdu ka soo saarin. 

Jamal Shiikh Aweys Bana oo ahaa 20 sano jir ayay qoyskiisu ka sheegeen wadanka mareykanka in ay aqoonsadeen kadib markii shabakadaha Internetka lagu soo bandhigay sawirkiisa oo Mayd ah xabaduna uga taalo dhafoorka.