Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dick Cheney Oo Huradadi Qabanwaayey Markii Lagu Soo Oogay Inu Ogaa Hindisihi Dhagarta 11 Sep. 2001

Monday - July 13, 2009

Washintoon: Ninka u sareeya Sir-doonka CIA-da Mareykanka Mr.Leon Panetta ayaa Ku eedeeyey Dick Cheney waa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Mareykanka ahaana Ninkii kibirkiisa sidi gorgorka samada ku laafyoon jiray inuu ka qariyey Congress-ka Mareykanka barnaamij sir ah oo ay ahayd iney wax ka ogaadaan amase laga hortago inteysan dhicin weeraradaas sep.12keedi

Leon Panetta oo ah madax CIA-da ayaa sheegay in madweyne ku xigeenkii hore uu ka dambeeyey in la qariyo oo aan bannaanka la keenin barnaamij sir ahaa oo daaha ka qaadayey weeraradii 11- September 2001 ka dhacay dalkaasi Mareykanka ee ay Al Qacida ku weerartey Mareykanka.

Qaar ka tirsan xubnaha aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in barnaamijka ku saabnsan weeraradii New York iyo Pentagon-ka lagu qaaday 2001 uu ahaa mid ay horey u heshey CIA, hase yeeshee aan wax tacadar ah la siinin sidii looga hortegi lahaa iyagoo taasina ku eedeeyey inuu iska dhega tirey madaxweyne ku xigeenkii xilligaasi oo ahaa Dick Cheney, waxaana lagu eedeeyey inu yiri qariya falkaas dhicidoona oo waxaa talabo laga qaadi-doonaa dhacdada ka dib.