Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Boqorka Sacuudiga Oo Shafka U Tumay Wax Qabad Ay Ka Macaashikarto Qaranka Aafoobay Ee Soomaaliya

Tuesday - July 14, 2009

Riyaad: Kala-fadhi ay yeesheen Golaha wasiirada boaqrtooyada Sacuudiga ayaa kulankooda ku eegay warbixino la soo hordhigay wasiirada Sacuudiga oo si fiican u qeexayey sida ba'an ee qaranka Soomaali maalinba maalinta ka sii dambeysa u si Aafoobaya iyo duulaan dagaal oo dawlada si joogto ah loogu hayo,waxayna tilmaan ka baxsheen in Aafada ku habsatay wadankaas Soomaaliya ay ugu wacantahay iyagoo maskaxdooda qabyaalad dagtay oo malaxi jiifto,waxayna tilmaameen in dagaalkooda u ku saleysanyahay mabda' aan shaqeyneyn

Golaha wasiirada ayaa doododa ku nuxnuuxsaday iney waajib tahay in masiibada intaa le'eg ee shacbka Soomaali ku dhacday ay tahay waajib si dhaqso ahna wax looga qabto oo murugada iyo dhibka lala qaybsado, sidaas awgeed golaha dawladaas sacuudiga ayaa bayaankooda ku aadan Soomaaliya ku sheegtay iney si buuxda u caawini-doonto dawlada shiikh Shariif oo ay ka taageeri-doonto dhinac walba gaar ahaan xaga horumarka dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamo amniga ilaaliya.