Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qabsoomida Doorashada Somaaliland Oo Ku Hareereysan Mugdi Badan

Monday - August 10, 2009

BOORAMA(SNN) Labadan todobaad ee ugu danbeeyey waxa ay hadal haynata iyo iswaydiinta dadku ahayd sidan doorasho maku qabsoomi kartaa, marka laga Eego khilaafka ba’an ee u dhaxeeya xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka iyada oo UDUB ay qaadatay sadexdii arimood tii ahayd in bilaa diiwaan galin lagu galo halka ay labada kalena kaga adkaysanayaan lacag baa gashay oo dadaal baa galay ee waa in diiwaan galinta lagu gala doorashada si ay xaq iyo xalaal u noqoto,

Iyagana waxaa hor taagan waa in la saxaa oo qaladada ka buuxa laga saaraa oo laga dhigi tiro la`aamini karo oo sax ah maxaa yeelay sida ay hada sheegeen gudiga doorashada iyo kuwii la oran jiray Inter Peace ee wadanka laga caydhiyey,

Hadaba siday doonto ha ahaatee waxaa hada saaxada kali ku ah xisbiga UDUB oo isagu bilaabay ololaha doorashada inkasta oo maalamahan ay u hakiyeen shilkii baabuur eeku dhacay adaxda xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye iyaga oo ixtiraamaya geerida iyo dhibaatada dhacday oo aan ahayn in marnaba laga talaabsado caadada iyo dhaqanka toosan oo ah hadii si kasata loo coloobo in marka dhibaato ku dhacdo kan kaa soo horjeeda adna kama fogide in aad maydka iyo dhaawacyada dhibaataysan aadan durbaan ku dul tumin taasna UDUB waa kaga dhabaysay.

Waxaa kale oo jira siyaasiyiinta qaar waxa ay qabaan gaar ahaan kuwa reer Awdal ee ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah waa in marka hore la xaliyaa oo la dhameeyaa dhibaatadaii ka dhacaday wadada u dhaxaysa Dilla iyo Kalabaydh oo gacan ku dhiiglayaashii la soo qabtaa hadii kale ma jirto wax aan isku aamainayno oo fidnada halkaas ka dhacaday waa sii socon kartaa mar walab ayey leeyihiin.

Si kasta oo loogu kala aragti duwanaado waxaa iska muuqatada hadii tan UDUB la qaado oolabada kale tanaasulaan waa UCID iyo Kulmiye eh waxaa dhacaysay in ay dhacdo doorasho markaa ninka badiyana aan la garanayn laakiin kolay cidi uun aysoo bixi doonto inkasta oo si jiidjiidashadeeda iyo isku tanasul la’aani iman doonto doorashado ka dib oo Ilaahay ha inaga samatabixiyee ka kala badiyeyna waxa uuodhan waa lagu shubtay kan badiyeyna waxa uu ku adkaysan in wax walba si caadi ah u dhaceen, hadii talada Udub ka tanaasulana waa in mar kale la kordhiyaa xiliga madaxweynaha si loo saxo doorshada si loo kala hufo oo loo hagaajiyo dadka ka qayb qaadayana doorashada taasina waa ugu yaraan inayqaadataa ilaa dhamadka sanadkan 2009ka kamana horyan karto xilagaa waayo waa lagu raftaya marka horeba.

Waxaa kale oo iswaydiintu tahay hadii sida hada UDUB rabo lagu galo ma iman doonaan goobjoogayaashii caalamaiga ahaa oo marka horeba dalbaday in aydoorashdo diiwaan galin wadadaa ay dhacdo? Jawaabtu wax ay u badan tahay mar walba in ay yimaadaan waayo iyagu waxa ay rabaan in ay eegaan sida ay dadku codkooda u dhiibanayaan iyo tirinta jawaabaha kama dambaysat ah ha lagu galo diiwaan galin ama yaan lagu galain ee doorasho waa ka doorshao inkasata oo marka la diiwaan gashan yahay sixitaankeeda iyo u kuur galideeduba dhib yar yahay.

Hadaba waxaa muuqada qabsoomida doorashada S/land waxaa hada ku hareerayn mugdi badan una baahan in laga tashado.