Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Reer Mogdisho Oo Salal Qaaday Markay Maqleen Shanqarta Dagaalada Cusub Ee Hoonka Loo Yeerinaayo

Tuesday - August 11, 2009

Muqdisho: Toddobaadyadii u dambeeyay waxa dalalka Maraykanka iyo Kenya ka socday shirar gaar ah iyo kuwo caalami ah oo lagaga arrinsanayay qorshe cusub oo la doonayo in lagu sugo ammaanka Muqdisho ee Somaliya.

Qorshahaas oo ay waddaan dalalka gobalka Geeska afrika, Qaramada Midoobay iyo Maraykanku, islamarkaana ay taageerayso dawladda Sheekh Shariif, waxa uu salka ku hayaa sidii loo diyaarin lahaa qorshe dagaal oo lagu wiiqo cududa kooxaha mucaaradka ah ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, kuwaas oo dagaal hubaysan kula jira dawladda taagta daran ee Muqdisho degen.

Ergayga Qaramada Midoobay Mr. Axmed Weld Cabdallah, ayaa dhawaan magaalada Washington ee dalka Maraykanka shir ugu qabtay qaar ka mid ah saraakiishii hore ee dawladii Maxamed Siyaad Barre, kuwaas oo uu hormood u yahay Gen. Maxamed Cali Samatar, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirkii gaashaandhiga ee dawladii Siyaad Barre. Marka laga tago wararka uu ergaygaaasi warbaahinta siinayo ee ah in saraakiishaas loo shirinayo sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamadii Somaliya.

Waxaase  jira warar kale oo si weyn la isula dhex marayo magaalada Nayrobi, kuwaas oo sheegaya in saraakiishaasi ay dejiyeen qorshe milatari oo sida la doonayo xidida loogu siibo kooxaha mucaaradka ah... waxaanay wararku sheegayaan in qorshahaasi si wanaagsan looga baarandagay 

Kooxaha mucaaradka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa iyaga laftooda dareensan qorshahaas, waxaanay dhawaan ka digeen dagaal ay sheegeen inuu dhawaan ka qarxi doono Muqdisho. “Waxaad ogtihiin, in lagu diyaariyay shir Washington, Cali Samatar & rag badan oo Saraakiishii hore ah oo 40 meeyo ah in la abaabuley, si ay war bixin uga diyaariyaan Dagaalkaas isaga ah, wixii oo dhan  waa la aruurshey waxaa loola tegay Hillary Clinton, waxaana lala soo noqdey oo saacadaha uu Ninkii Odeyga uu Magaalada yimid, la abaabulayay ama laga shaqeynayay isaga laftirkiisuna uu yiri waa noo soo dhamaatey arintii Amniga diyaarinteedii, waxaa dhiman talaabadii la qaadi lahaa, marka anagu waanu ognahey waana la soconaa arimahaas, waxaana sugeynaa maalmaha soo socda inay Dagaalkaas bilaabaan oo iyagu Dagaalkaas ridaan." Sidaas waxa yiri Sheekh Muuse Cabdi Caraale, oo ah xoghayaha difaaca ee ururka Xisbul Islaam, oo Axadii doraad shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa iyaguna jira warar kale oo sheegaya in Qaramada Midoobay kulan la tashi ah oo aan la baahin la yeelatay saraakiishii soo maray dawladihii hoose ee Muqdisho, kuwaas oo wax laga weydiiyay dhismayaasha iyo jidadka magaalada, si loo diyaariyo kartooyinka dagaalka ee lagaga hawlgeli-doono magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho, ayaa iyaguna qaba walaaca la xirira dagaal hor leh oo muqdisho ka dhaca maalmaha soo socda, waxaanay intii ka soo haray colaadihii hore ku jiraan diyaar garow ah sidii ay uga bixi lahaayeen magaalada Muqdisho.

Lama oga sida ay qorshayaashaasi u hirgeli doonaan, waxaanay dadka khubarada ahi guul ka gaarista arrintan ka bixinayaan aragtiyo kala duwan. Qaar ayaa tilmaamaya inay u dhowdahay inay guulaystaan, kuwo kalena waxa ay inshaarayaan inay guuli ka dheertahay, marka loo eego saraakiishaas hore oo aan labaatankii sannadood ee u dambeeyay ka war hayn xaaladaha Muqdisho iyo weliba isbedelo badan oo ku yimid magaalada lafteeda, taas oo aan u saamaxayn in dad aan muddo dheer aragi ay ka arrimiyaan qorshayaal dagaal oo lagaga hawlgalo.