Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Hilibka Dadka Ku Dhasha Xuub La'aanta Ee Cad Cad Oo Qiimo Dheeman Oo kale Ka Jooga Dalka Tansaaniya

Wednesday - August 12, 2009

EAST LONDON: Qisadan oo dhaba waxay ka jirtaa dalka tansaniya iyo wadanada ka sii shishiya... Dadka iyagu ku dhasha xuub la'aanta ee cad cad ayaa iyagu ka ah dalka tansaaniya dheeman qofkii arka kuma cafiyo nolol ,waxaanu og yahay hadiiba uu gacanta ku dhigo uu ka goosto xubin ka mida jirkiisa, ay u gooneysa lacag ilaa tobonkun oo doolar ka badan ... hadaba waxaa is weydiin mudan sababta loo ugaar-sado dadka iyagu xuubkooda sare dhameystirneyn, waa hubaal in aad marka hore markaad akhrido qoraalkaan qaadan-weydo ama amakaaga kugu noqoto laakiin waa arin dhaba oon indhahayga ku arkey .

Dadkan waxaa kharashkaa intaa leeg ku bixiya ama ugaarsadaa waa dadka loo yaqaan "sixirlooyaasha" oo aaminsan in ay howlo badan ku fuliyaan,sida dadka howsha ay u qabtaan ugu weyn tahay in ay Taajir ka dhigaan iyo wax yaalo kale ... Dawlada tansaaniya ayaa u sameysey goobo lagu badbaadiyo ama lagu ilaaliyo dadkaa oo xeryo ah ,si ay uga difaacdo dadka iyagu ku doonaya in ay dilaan ama xubin jidhkooda ah ka goostaan si ay ugu helaan lacag aad u tiro badan .

hadaba barnaamuj daawasho ah oo laga soo duubey lagana sii daayey tvg dalka south africa waxay ahayd dareen naxdin igu beertey markaan indhahayga ku arkey nin tansaaniyaana oo guriga ugu galey qoys dhan oo wada hurda oo uu ka bilaabey ilmahoodii ugu yaraa oo uu ka goostey labada dhagood iyo faraha hore ee gacmaha ,ugu danbeyntii markii ninkii laqabtey lana weydiiyey sababta u geysey in uu falkan dhagarnimada sameeyo waxa uu ku jawaabey in loo soo direy kuna helaayo lacag aad u fara badan.

Taasoo isna halkaas lagu wareystey isla ninkii sixiroolaha oo soo ban dhigaya farihii dadkaa xuub la'aanta ku dhashey iyo lafahoodii isagoo fasiraayey siyaabaha uu u adeegsado iyo qiimaha uu dadka kaga iibiyo iyo qiimaha uu isagu siisto.