Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Dilkii Culimada Iyo Madaxda Puntland Oo Duudka Ku Xanbaaratay Ceeb Dhagax Dandaan Ah Le'eg

Sunday - August 16, 2009

Mogdisho-Gaalkacyo: warar qubana ah ayaa meelkasta looga sharqaminaya siiyaabaha ay ku dhinteen culimadii Baakistaan Ee lagu xasuuqay magaalada Gaalkacyo, masa jiraan dhab ahaan dhinac ku adkeeysanaya warkiisa oo dhacdadaan xaqiiqadu weli waa cufeysantahay waxaase wararkaan ay noqnkaraan mid raad raac baaritaanada laga dhigto si xaqiiqada loo gaaro.

Warar ayaa oranaya culimadaan Baakistaaniyiinta dhaq-dhaqaa-qooda waxaa lagala socday inteysan ka soo bixin dalka Baakistaan oo Qalabka farsamada dhageysiga war-isgaarsiinta ayaa sirtooda xiriirka ay la leeyihiin kooxaha Shabaabka laga dageystay inti muddana lala socday, kadibna sirdoonada dalalka Mareykanka, Baakistaan- Abu-dabey- Jabuutai iyo itoobiya ayaa iska kaashaday wax ka qabashada culimadaas jihaad-doonka oo talo ku gaareen ineysan baxsan siiba inteysan galin gudaha Mogdisho ... Waxaana raadkooda safarka lagu sameeyey dabagal "Surveillance" illaa ay ka soo gaareen Airaborka magaalada Gaalkacyo, waxaana warku xusaya in ciidamada Sirta "PIS" ee Puntlaand "Ashahaada la dirirka lagu Neynaaso" oo iyagu si toosa ka amar qaata hay'ada CIA-da lagu soo amray in la qabto oo aysan gudbin ragaas, hasa-ahaate amarkaas inkasto ay fuliyeen PIS-ta kuma ay guuleysan in ay maalin xabsi ku hayaan oo waxaa ka faramarooqsaday Rag Soomaaliyeed oo Reer gaalkacyo ah oo illaa hadda lagu tuhmaayo iney caadifad u hayaan Alshabaabka hubeysan.

PIS ama sida loo yaqaano Ciidanka Ashahaada la dirirka ayaa la xariiray laamihi sirdoonka ayaga qaabilsanaa Ee CIA-da waxayna ku wargaliyeen in culimadi Bakistaaniyiinta ay hadda dibada joogaan laakiin lama siin jawaab wixii dambe ee ay sameen-lahaayeen.

Dabadeed dilkii Wadaada marku dhacay waxaa cadaatay in itoobiya lagu amray iney wadaadadaa si dhaqso ah lagu xasuuqo halka ay joogaan, Sidaa daraadeed sirdoonka itoobiyaanka iyagoo adeegsanaya ciidamadeeda dhar-cadka ee ku naban magaalooyinka gaalkacyo iyo guud ahaan Puntlaand wey fuliyeen amarkaas oo culimadi duug ku hubsadeen iyagoo gudaha masjidka intey kala soo baxeen ay dab baaruud ah qabadsiiyeen.

Wararka ayaa intaa si raacinaya in Culimadaan Bakistaaniyiinta ay badankood isr ahaan ka soo jeedeen dagaalyahaniinti Carabti horay uga soo dagaalami jirtay Afagaanistaan xiliyadi Ruushka la caabinaayey oo kuwaan waa caruurti ay ka dhaleen hooyinka baashtuunka oo dabadeed qaatay dalashadi bakistaanka.