Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Haweyney Ninkeedi Hore Arooskiisa Ka Hinaastay Awgeed Oo Dab Ku Galaafatay 43 Qof Dalka Kuweyt

Monday - August 17, 2009

Kuwait : Wargeyska Al-qabas ee kasoo baxa dalka Kuwait ayaa maanta daabacey in dabkii ka qarxay goobtii arooska laga dhigayay galabnimadii sabtidii ay ka danbeysay xaaskii hore ee caruuska ay kala tageen.

Gabadha musiibadan gaysatay oo 23 jir ah ayaa markii hore dafirtay inay ku luglahayd dhacdadan fooshaxun, iyadoo ku andacootay inay gurigooda joogtey markii ay musiibadu dhacday

Ciidanka danbi baarista ee Kuwait ayaa halay cadaymo muujin kara in xaaskii hore ee ninkan caruuska ahi ay geysatay masiibadan meesha ka dhacday, hasa ahaate Haweenay Asian ah oo ka shaqaynaysay guri ku dhow Teenadhadii xaflada arooska lagu qabanayay ayaa ciidanka Booliska u sheegtay in ay haweenaydan ku aragtay goobta uu shilku ka dhacay wax yar uun ka hor intaanu dabku holcin.

Gabadhan ayaa qiratay danbigan kadib markii ciqaab adag la mariyay waxaaney sheegtey inay dab iyo gaas surtay teendhada si ay uga Aargoosato ninkeedii hore oo sixun ula dhaqmijiray muddadii ay wada joogeen.