Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Shaaha La Cabo Oo La Ogaaday Inuu Dejiyo Maskaxda Bini-Aadamka

Tuesday - August 18, 2009

London : Warbixin ay qortay Jaamacada London City oo ku saabsan baaritaan lagu sameeyay Cabitaanka Shaaha iyo in uu dadka marka ay kacsan yihiin uu dejin karo amaba qaboojin karo ayaa daaha ka rogtay sirta ama xikmada uu cabitaanka shaahu ku fadhiyo.

Baaritaankaas ayaa waxaa lagu sameeyay dad tira ahaan isla siman oo markaas xaalad kacsnanaan ah ku jiray, waxaana loo kala qeybiyay laba qeybood, qeyb ka mid ah dadkaas waxaa la geliyay Qol oo lagu siiyay min Galaas Biyaha caadiga ah halka qeybtii kalena la siiyay min Koob Shaah.

Waxaana cabir dhiigooda iyo dareenkooda lagu sameeyay ka dib lagu ogaaday in Qeybtii la siiyay Shaaha uu hoos u dhacay kacsnaanta dhiigooda iyo weliba dhimirkoodu.

Laakiin qeybtii biyaha la siiyay ayaa iyagu ka sii daray amaba haddii si kale loo yiraahdo sii laba kacleeyay.