Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Mucaaradka Soomaaliland Oo Wasiirka Itoobiyaanka Ah U Gudbiyey Lix Qodob

Wednesday - August 19, 2009

Hargeysa -Xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa shalay la kulmay Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda ee Itoobiya Dr. Tekedu Elemu, kaas oo Hargeysa u yimid xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed iyo sharci ee Somaliland ka taagan.

Ma jiro wax war ah oo ay labada dhinac ka soo saareen kulankoodaas, laakiin ilo xogogaala ayaa Shakhsiyaad u xaqiijiyay in mucaaradka oo ay horkacayeen labadooda guddoomiye ee Md. Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Siilaanyo, ay wasiirka u soo bandhigeen aragtidooda la xiriira sida lagaga bixi karo khilaafaadka dalka ka taagan.

Labada guddoomiye oo uu Wasiirku dhagaysanayay fikirkooda ayaa la sheegay inay kulankaas ka sheegeen in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin masuul ka yahay khilaafaadka taagan iyo doorashooyinka dhawrka jeer dib u dhacay.

Ugu dambayn waxa ay labada xisbi Wasiirul dawlaha Itoobiya ee Arrimaha dibadda u gudbiyeen qoraal ay labada guddoomiye ee Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Siilaanyo wada jir u saxeexeen. ilahan xogogaalka ahi waxa ay sheegeen in qoraalkaas oo ka kooban lix qodob uu ka turjumayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo aragtida labada xisbi mucaarad ka qabaan.

Qodobka ugu culus qodobadaas ayaa la sheegay inuu nuxur ahaan yahay In marka la gaaro 27 September haddii aanay doorasho diiwaangelin lagu galayaa dhicin, in la dhisi doono dawlad aanay lixda murashax ee saddexda xisbi ku jirin....Qodobada kale ayaa la sheegay inay ka mid yihiin kuwo oranaya waa in Madaxweynuhu ka noqdo go’aankii ay isaga iyo guddiga doorashooyinku ku laaleen diiwaangelintii cod bixiyayaasha, in Madaxweynuhu aqbalo go’aankii ay Golaha Wakiiladu ku laaleen inaan doorashada lagu gelin diiwaangelin iyo qodobo kale oo nuxur ahaan la xiriira xaaladda lagu jiro.

Xisbiyadu, waxa kale oo ay qoraalkooda ku cadeeyeen inay mar kasta diyaar u yihiin ilaalinta nabagelyada iyo weliba wixii wada hadal ah ee lagu furdaaminayo khilaafaadka jira, islamarkaana ay soo dhawaynayaan cid kasta oo arrintan dhexdhexaadin ka galaysa.

Wasirka Itoobiyaanka ah, ayaa la sheegay inuu isna kulankaas ka sheegay inay wadamada daneeya horumarka Somaliland ay istuseen in khilaafaadkii wadanku uu sii cakirnaaday, sidaas daraadeed ay waajib tahay in gurmad laga galo.

Wasiirul Dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya, waxa kulankaas ku weheliyay safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa iyo diblomaasi wasiirka la socday. Dhinaca xisbiyada labada guddoomiye mucaarad waxa wehelinayay masuuliyiin ka tirsan labada xisbi oo ay ka mid yihiin Md. Muuse Biixi Cabdi, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Md. Maxamed Kaahin Axmed,  Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf) iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici.