Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Waa Fadilat Al-Digtoor Sh.Shuce Oo Idin Leh"Marxab Marxab Yaa Ramadaan-Marxab- Marxab Daarta Janada"

Thursday - August 20, 2009

ACWW, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee ku maneystay adoomadiisa xili la mid ah midka albaabka noosoo taagan, iyo saliga Suubanaha  loo soo diray adoomada Allah si uu uga saaro mugdiga Jahliga iyo Kufriga oo ugu baxsho iftiinka Aqoonta iyo Tawxiidka, N.N.K. ha ahaato. Waa Allah fadligii mar hadii bishii barakada badneyd ee Ramadan nooga hartay wax maalin ka yar oo lagu wado in Sabtida si rasmi ah u bilaabato, inkastoo ay dhici karto in la arko bisha habeenimada maalinta Khamiista ah oo Jimcaha ay noqon karto maalinta ugu horeysa ee Ramadan, Allah waxaan ka baryayaa in aniga iyo idinkaba nagu gaarsiiyo caafimaad, inoo fududeeyo gudashada waajibka weyn ee na wada dhowraya.
Adoomada Allah waxey u qeybsan yihiin sadex qeybood sidii Allah noogu tilmaamay Qur'aanka kariimka ah, 1) mid dulmiya naftiisa 2) mid khayrka ka gaabiya iyo 3) mid u dheereeya khayrka. Allah ha inaga yeelo kuwa khayrka u dheereeya maxaa yeelay wixii khayr ah ee adoonka Allah la yimaado wuxuu ka heli Allah agtii iyada oo loo kordhiyay wax ka badan 70 goor, bishan barakeysana kumasii jirto maadaama Allah na faray inaan ka tusaale qaadano Subanaha Mohamed NNK ha ahaato oo nala amray inaan ku dayano oo ka amar qaadano, waxa la hubaa in Suubanaha uu ahaa adoon Allah oo aad u jecal inuu la yimaado wixii khayr ku jiro oo idil sanadka oo dhan, bisha barakeysana uu sii kordhin Jiray, umadiisana fari jiray in la kordhiyo wixii khayr ah oo loola danleeyahay Allah dartii. Waxaan Allah ka baryayaa in Camalkeena uu ka dhowro Riya'a iyo Nifaaq kana yeelo kuwo aan ula nimaano Isaga dartii oo qura.
Sidii balanta noo aheyd intaan ku jirno bisha khayrka badan waxaan kusoo koobi baraarujinta Jimcaha mas'alo ku saabsan qofka bukaanka ah iyo cibaadada la doonayo inuu guto, sida aan ognahay Cibaadada Salaada Allah kama cafin Adoonkiisa xataa markuu bukaanka yahay, waxaa kaloo la ogyahay Soonka inuu sidaa ka duwan yahay oo laga cafiyay bukaanka inta ay bukaan, sidaa darteed waxa is xasuusin mudan in salaada aysan suurto geleyn dahaaro la'aanted, hadaba waxaa isweydiin leh? Hadii qofku ka yimaado kaadida ka dib dhacaan Cad (Madhi) sidee u weyseysan karaa si sax ah? Waxa la ogyahay dadka qaar ka mid ah markey isku arkaan dhacaanka Cad ee ka yimaada Guska,  waxa ay dhowr goor jiidaan oo tuujiyaan Xubinta galmada raga si ay uga dhameeyaan wixii ku haray.