Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Baaq Dardaarana Iyo Hambalyo Biisha Ramadaan Oo Ku Wajahan Bulshada Tanade/Lelkase

Friday - August 21, 2009

Waxaa Shabakadaan Galdogobtimes si xad dhaaf ugu soo dhacaya dhambaalyo Baaqyo ah oo ay soo kala direen Odayaal wax garad, aqoonyahano oo ay guud ahaan shacabka Soomaali gaar ahaan beesha Tanade ee ku kala nool daafaha aduunka iyo gaar ahaan kuwa ku nool jamhuuriyada ugu hamblyeynayaan biishaan barakeysan oo alle ay ka baryayaan inu Ramadaantaan idin kaga dhigo kuwi waajibkooda si xaq ah u guta... kuna sooma caafimaad Qab kuna ciidaan caafimaad Qab... ilaahayna dhamaanteenaba ha ka yeelo kuwa ka xorooba naarta... allhu ma Aamiin. 

Tan Xigta oo odayaasha beesha ku Baaqeen waa dardaaran ku Aadan Wajiga siyaasadeedka maanta ay Soomaaliya mareyso iyo halka ay taagantahay marxalada xasaasiga nabadgalyada iyo khilaafka aadka baaxada u leh iyo qoqobaha ku kala jira Ummada Soomaaliyeed, waxayna Odaayaashu farayaan in laga digtoonaado araxjabka la isla doonaayo iyo balaayada qalbiga wax ku sawireysa ee samada xiimeysa, sidaa darteedna waa inaan lagu hafan Mawjadaha oo aan lagu milmin Awrta Qooqan aan joog laga kareyn oo mid waliba kuu sheeganaya inu yahay mahdigi la sugaayey... waa ineysan jirin qab-qable la daba socdo oo sixir iyo farsamo maskaxdiina ku dhalaalinkara, lana Qaadan taladooda ... Qfkii na-maqlahayow murtidaan Qaado wa dhaxale,ayey yiraahdeen.

Madax-Dhaqmeedyada, wax garadka iyo culimaa udiinka ayaa sido kale ku Baaqay in beeshu yeelato kulamo lagaga feejignaado waxkasta oo keeni kara khilaaf, lana dhameeyo wixi jira biishaan barakeysan, islamarkaana si wada jira markasta lagu duulo horumarka iyo xaquuqda maqan ee  degaanada lagu nool yahay, waxay kalo carabka ku dhufteen in Mawaafaqo iyo darisnimo lala yeesho Dadyawga Ooda iyo xigtada lala leeyahay oo nabad iyo barwaaqo markasta laysugu bishaareeyo, lana iska ilaaliyo aragtida lagu jaangooyinaayo tixraacida Dhacdooyinkii iyo Sheekooyinkii Casri Jaahiliga jiri jiray oo hurinta colaadeed iyo boqon goyska ku saleysnaa. 

Odayaashu waxay kalo Baaqooda ku codsadeen in fadliga Raxmada biisha Ramadaan laysku saamaxo gacmaha la is-qabsado oo ilaahay xagiisa loo wada jeensto haddi kale waxaa la arkidoona bulshado cidla ku dhacda oo ka qoomameyneysa qar qaarkii la ahaa, waxaana ilaahay bulshada kula xisaabtama sida ay isga warqabaan iyo midnimadooda dhinaca wanaaga iyo kheyrka.