Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Ma Rumeysaneysaa In Lacagta Mareykanka Ka Sameysantahay Maandooriyaasha Cocaine Iyo Heroin

Sunday - August 23, 2009

Khubaro u dhashay dalka Mareykanka ayaa baaritaano ay sameeyeen shaac uga qaaday in warqada ay ka sameysan tahay doolarka Mareykanka ka kooban tahay maadooyin Cocaineiyo Heroin ah.

Khubradaani oo wax ka dhiga jaamacadda Massachusetts ayaa baaritaankooda ay u adegsadeen biyo ku helay in %90 xaanshida doolarka ku jiraan madooyin ah Cocaineiyo Heroin ah.

Baaritaan lagu sameeyay 230- qeybood oo xaanshida doolarka oo laga keenay 17-magaalo ayaa waxaa cadaatay in Cocaine iyo Heroin ah ku jiraan kuwasi oo ah noocyo ka mid ah daroogada .

Arintaani ayaa lagu soo bandhigay kulan sanadeedka golaha kiimikada dalka Mareykanka oo dhawan ku kulmay caasimada washintoon ee Mareykanka.