Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Sh. Yuusuf Al-Qardawi Oo Shalay Soo Saaray Fatwo La Xariirta Afurka Xiliga Dayaarada La Saaranyahay

Monday - August 24, 2009

Sheekh Yusuf Al-Qardawi oo ah Sheekh dunida Islaamka si weyn looga yaqaano ahna madaxa Midawga Culimada Islaamka ayaa shalay soo saaray fatwo la xariirta Sida loogu afurikaro xiliga la saaranyahay dayaarad dusheed oo aad safar ku jirto.

Fatwadan ayaa waxa ay ku aadantay dadka sooman ee diyaarada saarani xiliga ay af-furayaan, Sheekhu waxa uu sheegey in dadka musaafiriinta ah aaney u banaaneyn iney ku afuraan waqtiga dalka ay dul-marayaaan kii ay ka soo dhoofeen iyo kan ay u sii socdaan toona, balse ay ku afuraan xiliga cadceeda iyaga u muuqataa ay dhacdo.

Waxa sheekhu uu yiri arintan ayaa kadis igu noqotey maalinkii ugu horeeyay bishan Ramadaan aniga oo diyaarad saaran ka timi Qahira oo u soo jeedey dalka Qatar, kadib markii ninkii Pilotka ahaa oo aan muslim aheyni uu ogeysiiyey rakaabkii in ay afuraan isagoo taa daliil uga dhigaya in dalkii aanu dulmareynay qoraxdii u dhacday, halka rakaabka diyaaradana wali dharaar ay iyaga u tahay.

Waxay doodi dhex martay dad ka mid ahaa rakaabkii saarnaa diyaarada oo markaasi la fadhiyay Sheekha Qaybta Class Kowaad, kadib Sheekha ayaa yiri "mabanaana inaad af-furtaan qoraxdii oo inoo muuqata maqribkeenii wali lamagaarin, dhanka kale waxa uu sheekhu waydiiyay dadkii bal in ay banaantahay in makhrib ay tukan karaan maadaama cadceedii soo jeedo, waxaanay dadkii ku jawaabeen Maya, sidaas oo kale inaad af-furtaana ma banaana qoraxda oo soo jeeda".