Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Yacquub Kheyre 22 jir Soomaali U Dhashay Oo Maxkamadiisi Ka Bilaabatay Dalka Australia

Tuesday - August 25, 2009

Australia : Yacquub khayre oo ah 22-jir u dhashay dalka Soomaaliya islamarkaana ku noolaa dalka Australia ayaa Maxkamadayntiisu waxa ay ka bilaabatay Wadankaasi Australia iyadoo loo haysto in weerar uu ka fulin rabay gudaha Wadankaasi isaga iyo 4-nin oo ajnabi ah...Waxaana weerarkaasi loo haystaa ninkaasi Soomaaliga ah in uu damacsanaa in uu madax ka noqdo weerarkaasi.

Hasa ahaate sida ku cad eedeymaha loo soo jeediyey Yaquub Khayre Booliska wadanka Australia ayaa gacanta ku soo dhigay ka hor inta aysan weerarkaasi fulinin iyo kooxdii damacsanayd in weerarka ay fuliyaan oo ahayd in 20-daqiiqo gudahood in weerarka ay ku fulin karaan kuna filantahay

Waxaa sidoo kale polisku ay ku doodayeen sida eedaymaha lagu xusay in ay soo iibsadaan hub ay ku fuliyaan weerarkaasi... Hubka ayaa waxaa lagu xusay in ay ka mid ahaayeen Bastoolada iyo qoryaha darandooriga u dhaca si ay u fuliyaan weerarka.

Booliska ayaa waxa uu muujiyay eedaymaha lala xiriirinayo Yacquub khayre iyo 4-nin oo lagu tuhunsanyahay in weerarkaasi ay qayb ka ahaayeen.

Labo ka mid ah eedaysanayaasha waxa ay ka qaataan racfaan Maxkamada si ay dib ugu soo laabtaan, halka mid kale oo ka mid ah eedaysanayaashaasi uu isna racfaan ka qaatay.

C/raxmaan Axmed oo ah qareenka u doodayo eedaysanahan u dhashay Wadanka Soomaaliya ayaa sheegay aamusnaanta eedaysanahaasi in ay muujinayso in uusan lahayn wax danbi ah,waxa uu sidoo kale xusay in ay ka dalbayaan in Maxkamada ay ka qaataan racfaan... laakiin Booliska Wadankaasi Australia ayaa waxa uu ku soo rogay sharciyo adag codsiyada la xariira racfaanka ee laga qaadanayo Maxkamada qaadayso danbigaasi.

Waxay kalo ay Boolisku dalbadeen in warqada codsiga la akhriyo islamarkaana dib loo diiwaangaliyo oo lagu muujiyo eedaymaha ay qireen ee loo soo jeediyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ay damacasanayeen in weeraro ay fuliyaan islamarkaana ay ka doodayeen in ay hub iibsadaan.